telesom
logo
logo
logo
|

MAQAAL DIINI AH : SAKADA LACAGTA IYO DAHABKA 13naad :

 

 

 

Walaal akhriste, qormadan oo ah qormadii 3aad ee aynu kaga hadlayno sakada noocyadeeda kala duwan ayaa waxaynu ku soo qaadanaynaa sakada laga bixiyo Lacagta iyo Dahabka,inagoo ku horrayn doona sakada Dahabka :

SAKADA DAHABKA :

Dahabka sakada laga bixiyo waa dahabka laga ganacsado ama meel la dhigto,laakiin dahabka haweenku isku qurxiyaan ,sida dakhamka ama labiska caadiga ah,ama kaatunka ninku gashado ee lacagta ah,sakadu kuma waajibto .Ayadoo xidhashada dahabku ay ragga xaaraan ka tahay, haddii aanu ahayn dahabka gabadhu haysataa dahab ka badan labiskeeda.

·         Haddii  dahabku gaadho labaatan misqaal,ama diinaar , sannadna ku soo wareego ama u dhammaado ,waxaa la bixinayaa (Rubucul Cushur),oo macnaheedu yahay,marka labaatanka misqaal toban meelood loo qaybiyo ,meel ahaan rubuceed .

·         Waxii intaas ka sii batana xisaabtooda halkaas ayaa looga qiyaas qaadanayaa markasta .

 

SAKADA LACAGTA :

·         Lacagtu waxay ku sakoobaysaa marka tiradeedu gaadho  LABA BOQOL OO DIRHAM,dirhamka ayaana looga qiyaas qaadanayaa lacag kasta qiimaha uu ka joogo dirhamku.

·         200 Dirham oo sannad u dhammaaday ama sannad la hayey ,waxaa laga  bixinayaa (Rubucul Cushur),oo macnaheedu yahay labada boqol ee dirham marka laga dhigo toban meelood ,meel ahaan  marka loo qaybiyo afar meelood meel ahaan  oo ah 5 shan Dirham. 200/10== 20/4== 5drm.

·         Tiro kasta oo ay lacagtu gaadho, halkaas ayaa looga qiyaas qaadanayaa,sakadana lagu bixinayaa.

 

SAKADA SARACA BEERAHA KA SOO GO’A  IYO MIDHAHA  :

·         Sakada midhaha beeraha ka soo go’a,waxay u kala baxayaan laba qaybood,kuwaas oo kala ah :

1-      In beertu ku baxdo biyaha roobka,ama daad roob meel kale ka da’ay oo soo gala,ama Il biyood oo dareeraysa .

2-      In beertu ku baxdo biyo wadaan ama tuubbo  lagu waraabiyo oo ceel laga soo saaro.

·         Haddii beertu ku baxdo biyaha Roobka ama daad, ama Il biyood , 5 shantii gaadiidba oo lagu magacaabo ( khamsatu awsuqin ) oo lagu qiyaasay ( 60 lixdan saaca sakada fidriga lagu bixiyo), ama ugu dhawaan qiyaastii 715 kg ),ama ( 1600 oo rodol oo rodolka baqdaad ah )waxaa ku waajibaya sako  (Cushur ah) oo macnaheedu yahay  weel kasta oo aad midhahaas soo go’ay ku miisayso ,tobankii weelba  hal ayaa  sako noqonaya oo aad bixinaysaa.Waxii shan 5 gaadiid ka yarna sako kuma waajibto.Gaadiidku waa Awr ama Dameer inta ay qaadaan.

·         Haddii beerta lagu waraabiyo wadaan ama tuubbo,midhaha ka soo go’a beertaas,sakadu waa shantii 5tii gaadiid , waxaase  sako ahaan loo bixinayaa weelka aad ku miisayso  tobankii weelba  hal weel badhkii ( cushur badhkii).

 

 

Wallaahu aclam ,wabillaahi towfiiq ,

Diyaariye :

Xasan Xuseen Farax ….Burco.

Share & Like

Comments are closed