telesom
logo
logo
logo
|

Nin Filim Maraykan ah Internet-ka ka Xaday oo Xabsiga la Dhigay

 

Nin ka mid ah dadka aflaamtu dhiiggooda aadka uu u dhex qaadeen, ayaa lagu xukumay sannad xabsi ah, kadib markii lagu helay dambi ah inuu sannadkii 2009-kii internetka si khiyaamo ah uga soo dejistay filimka adduunka aadka looga xiiseeyo ee X-men Wolverine bil ka hor intii aan laga sii dayn shaneemooyinka loogu talogalay in laga baahiyo, waqtigaas oo uu qabyo ahaa.

Ninkan oo degan magaalada New York ee dalka Maraykanka oo la yidhaa Gilberto Sanchez, da’diisuna 49 jir tahay, ayaa qirtay dambiga ah in bishii March ee sannadkii 2009 uu internetka ka soo jiitay filimka Ameerikaanka ee la magac-baxay X-men.

Jilaaga filimka ee Hugh Jackman oo doorka ugu muhiimsan filimkan ka ciyaaryay, ayaa isagu sheegay bishii April 2009-kii in filimkan ka hor dhacay waqtigii loogu tallogalay in la baahiyo uu aad u niyad-jabiyey.

Jilaaga caanka ah ee filimkaas Mr. Hugh Jackman waxa uu waqtiga dambiga lagu helay ninka sheegay in uu aad xun tahay in dadku daawadaan amma arkaan filimkoon la dhammaystirin.

Xeer-ilaalinta dambiga ku oogaysay Mr. Gilberto, ayaa sheegtay inuu ninkani sabab u noqday in kumanaan jeer la soo dejisto filimkan oo uu ku baaho meelo aad u tiro badan isaga oo aan dhammaystirnan, halkaasna uu ku jebiyey xeerka xaqa koobiga.

Mr. Sanchez oo isagu qirtay filimkan, ayaa horena loogu helay dambi kan la mid ah, isaga oo labada filim oo noocan ah hore soo dejistay, isla markaana ku baahiyey meelo aad u badan.

Garsoorihii kiiskan qaadayey ayaa Mr. Sanchez ku xukumay hal sannadood oo xadhig ah, isaga oo xanibaadna lagaga soo rogay isticmaalka kombuyuutarka.

 

Togdheernews.com

Share & Like

Comments are closed