telesom
logo
logo
logo
|

JAMHUURIYA: Falanqaynta 82-ka Xildhibaan ee Golaha Wakiillada Iyo Xildhibaanada Maanta Ku Soo Baxay Bogga Hore. Qaybta 5aad.

 

Qormada 5aad ee taxanaha falanqaynta Jamhuuriya ku sameeyey 82-ka mudane ee uu ka kooban yahay Golaha Wakiillada Somaliland, waxaynnu ku faaqidi doonnaa kooxda ugu horreysa xildhibaannada laga soo doortay Gobolka Togdheer oo tiradoodu tahay 15 xubnood.

Md. Cumar Axmed Saleebaan (Ina Sanwayne): Waa qurbo-joog, inkastoo xaas u deggan yahay caasimadda Hargeysa, haddana dhoofkiisu wuu badan yahay, balse kama maqnaado inta badan fadhiyada. Waxa ay ilmaabti yihiin Madaxweyne Siilaanyo. Waa aftahan si wanaagsan uga qaybgala doodaha golaha. Inta badan waa keli-socod, qab weynaan badan ka muuqato. Waxa lagu tilmaamaa nin aan ku badnayn booqashada degaannada Gobolka Togdheer ee laga soo doortay.

Weli lama sheegin amma qalabka warbaahinta laguma arag waxtar uu ka geystay horumarinta adeegyada bulshada ee laga fuliyo degaannada shacabka uu codkooda kursiga ku fadhiyo.

Waxa uu ka soo baxay xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, welina wuu ka tirsan yahay.

Md. Xamse Maxamed Gaaddaweyne: Waa xildhibaanka keliya ee metela shacabka ku dhaqan degmada Buuhoodle. Laguma soo dooran doorasho toos ah oo dadweyne, laakiin waxa uu ku yimi qaabka doorashada dadban oo lagu soo doortay xildhibaannada ka soo jeeda degaannada gobollada Sool, Sanaag/bari iyo Buuhoodle, marka laga reebo Md. Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo si toos ah looga soo doortay bariga Sanaag.

Waa oday waayeel ah oo aan saamayn badan ku dhex lahayn Golaha Wakiillada ee uu ka tirsan yahay. Waxa lagu sifeeyaa siyaasi aan wax taageero siyaasadeed oo muuqata ku dhex lahayn shacabka degaannada Buuhoodle ee uu metelo. Sidaa darteed, lama sheegin wax adeegyo horumarineed ah oo uu ka fuliyey degaannadaas.

Waxa uu ka soo baxay xisbiga KULMIYE oo uu ilaa hadda ka mid yahay.

Md. Maxamed Cali Xirsi: Waxa lagu naanaysaa OBAMA. Waa qurbo-joog aad u xarrago badan oo caan ka dhex ah mudanayaasha Golaha Wakiillada. Waa 44 jir dadka qaarkood ku tilmaamaan inuu kelidii is-cajabiyey, isla markaana xariif ku ah xidhashada lebbisyo u badan kuwa reer galbeedka xidhaan oo kala nooc-nooc ah.

Waxa si fiican saaxadda siyaasadda loogu dhex arkay waqtigii uu isagoo xildhibaan ah ku dhawaaqay inuu Madaxweyne Siilaanyo kula tartamayo jagada murrashaxnimada madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE dhexdiisa ka hor doorashadii Madaxtooyada ee dalka qabsoontay sannadkii 2010. Sidoo kale, saamaynta dhaqdhaqaaqyadiisa waxa laga dhex dareemaa golaha xilliyada ay jiraan mooshinnada xasaasiga ah.

Waa reer-magaal aan ku badnayn tegista degaannada hawdka Gobolka Togdheer oo laga soo doortay, welina warbaahinta lagama arag mashruuc horumarineed uu gadh-wadeen ka yahay oo laga hirgeliyey dhulka ay ku nool yihiin shacabka uu codkooda kursiga ku fadhiyo.

Waxa uu ka soo baxay, kana tirsan yahay xisbul-xaakimka talada haya ee KULMIYE, balse beryahan dambe waxa laga dareemaa inuu gacan-saar weyn oo siyaasadeed la leeyahay xildhibaannada ku abtirsada axsaabta mucaaradka.

Md. Maxamed X. Yuusuf Axmed (Waabeeye):  Waa dhawr iyo afartan jir qosol, kaftan iyo sheeko badan. Waa xildhibaanka keliya ee degaannada degmada Oodweyne ugu jira Golaha Wakiillada Somaliland. Waa Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE. Waxa uu ka mid yahay dhowr mudane oo habeen iyo maalinba qasriga Madaxtooyadu u furan yahay.

Waa nin ka war-haya xaaladda degaannada Oodweyne ee laga soo doortay, waxaana marar badan warbaahinta laga arkay isagoo gacan ka geysanaya dhinacyada nabadgelyada, horumarka adeegyada bulshada iyo xidhiidhinta shacabka uu codkooda kursiga ku fadhiyo, waxaanay dad badan ku tilmaamaan xildhibaan haysta kalsoonida dadweynaha ku dhaqan degaannada laga soo doortay.

Waxa uu ka soo baxay xisbiga KULMIYE oo uu imminkana ka tirsan yahay.

Md. Maxamed Cumar Aadan Jiir: Waa barafasoor aqoonyahan ah oo Golaha Wakiillada ka tirsanaa tan iyo sannadkii 1997kii. Waa qunyar-socod iyo kelinimada jecel oo aan inta badan dadka dhex galin. Waxa uu ka mid yahay xildhibaannada ugu da’da weyn golaha. Waa nin dhawrsoon oo aan ku dhex milmin xafiiltanka iyo loollannada ka dhex jira golihiisa.

Weli si cad looma arag waxqabad iyo waxtar uu ku darsaday horumarinta adeegyada bulshada ee degaannada laga soo doortay.

Share & Like

Comments are closed