telesom
logo
logo
logo
|

JAMHUURIYA: Falanqaynta 82-ka Xildhibaan ee Golaha Wakiillada oo 8 Sanno iyo 5 Bilood Kuraasta Fadhiyey

Waa qorme tifaftireyaasha Jamhuuriya ugu talogaleen inay akhristeyaasha sharafta leh ugu soo bandhigaan falanqayn iyo raad-raac wargeysku ku sameeyey 82-ka xildhibaan ee uu ka kooban yahay Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland iyo mid kastaa waxtarka iyo xidhiidhka uu la yeeshay bulshada degaannada laga soo doortay 8 sanno iyo 5 bilood ka hor.

Qormadan oo noqon doonta taxane waxa uu wargeysku mid-mid ugu falanqayn raad-raaca mudane kasta iyo heerka uu taagan yahay degaannada laga soo doortay iyo weliba sharafta iyo karaamada uu 8 sannadood iyo badh ku dhex leeyahay shacabka uu codkooda kursiga ku fadhiyo.

Waxa kaloo falanqayntan ka dhex muuqan doona qaabkii 82-ka xildhibaan uga soo kala baxeen lixda gobol ee dalka, iyadoo aynu kala saari doonno gobollo haba mudanayaasha laga soo doortay haba yaraadaane wax uun ku celiyeen abaalkii ay u galeen dadweynaha degaannada looga codeeyey iyo kuwa lagu goblamay ee aan dib u eegin shacabka dayacan ee codka siiyey doorashadii Golaha Wakiillada sannadkii 2005.

Inkasta oo laga wada siman yahay saluugga baahsan ee ummadda reer Somaliland u hayaan xildhibaannada Golaha Wakiillada oo hadda kuraasta fadhiyey 8 sanno iyo shan bilood, haddana waxa ay qormadani iftiimin doontaa heerka xidhiidhka iyo kalsoonida mudane kastaa ka haysto xilligan bulshada degaannada uu ka soo jeedo ee uu ka helay codadka uu kursiga ku fadhiyo, iyadoo aanay ujeeddadu ahayn in cid gaar ah lagu durayo amma lagu taageerayo falanqayntan.

Haddaba, qormada koowaad ee taxanaha falanqaynta Jamhuuriya waxa uu wargeysku akhristeyaashiisa ugu soo bandhigi doonaa magacyada 82-ka xildhibaan ee Golaha Wakiillada Somaliland ee haatan kuraasta fadhiya oo isugu jira xildhibaannada sida tooska loogu soo doortay doorashadii Golaha Wakiillada ee dalka ka qabsoontay sannadkii 2005 iyo xubno beddelay mudaneyaal geeriyooday, qaar qurbaha u shaqo tagay iyo kuwa xilal kale oo dawladeed loo magacaabay iyo mid kasta gobolka laga soo doortay, waxaanay kala yihiin sidan:

1
    

Hon. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
    

SAAXIL
       

2
    

Hon. Baashe Maxamed Faarax
    

SOOL
       

3
    

Hon. Cali Yuusuf Axmed
    

MAROODJEEX
       

4
    

Hon. Cabdillaahi Xuseen Cige (Balaki)
    

MAROODIJEEX
       

5
    

Hon. Abokor Cabdiraxmaan Good
    

AWDAL
       

6
    

Hon. Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe)
    

MAROODIJEEX
       

7
    

Hon. Axmed Ducaale Bullaale
    

SOOL
       

8
    

Hon. Maxamuud Jaamac Warfaa Diiriye
    

MAROODIJEEX
       

9
    

Hon. Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac)
    

MAROODIJEEX
       

10
    

Hon. Cabdiraxman Maxamed Tanyanle
    

SANAAG
       

11
    

Hon. Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
    

SANAAG
       

12
    

Hon. Cali Maxamed Aadan
    

SANAAG
       

13
    

Hon. Cali Xasan Maxamed Jaamac (Marreexaan)
    

TOGDHEER
       

14
    

Hon. Cumar Axmed Saleebaan (Sanwayne)
    

TOGDHEER
       

15
    

Hon. Xamse Maxamed Gaadawayne
    

TOGDHEER
       

16
    

Hon. Ibraahim Axmed Haybe
    

MAROODIJEEX
       

17
    

Hon. Ibraahim Axmed Reygal
    

SOOL
       

18
    

Hon. Ibraahim Jaamac Cali Rayte
    

SANAAG
       

19
    

Hon. C/raxmaan Maxamed Jaamac
    

AWDAL
       

20
    

Hon. Mahdi Xuseen Cadarre
    

AWDAL
       

21
    

Hon. Maxamuud Axmed Obsiiye
    

MAROODIJEEX
       

22
    

Hon. Maxamed Cali Xirsi
    

TOGDHEER
       

23
    

Hon. Maxamed Cismaan Maxamed (Bulqaas)
    

SANAAG
       

24
    

Hon. Maxamed Cumar Aadan Jiir
    

TOGDHEER
       

25
    

Hon. Maxamed Jaamac Cabdi
    

SOOL
       

26
    

Hon. Maxamed Xuseen X. Ciise
    

SAAXIL
       

27
    

Hon. Maxamed X. Maxamuud Cumar Xaashi
    

MAROODIJEEX
       

28
    

Hon. Maxamed X. Yuusuf Axmed (Waabeeye)
    

TOGDHEER
       

29
    

Hon. Siciid Cilmi Rooble
    

SAAXIL
       

30
    

Hon. Cabdiraxmaan Muuse Jaamac
    

SOOL
       
               

31
    

Hon. Fu’aad Sh.Maxamed Cabdalle
    

SAAXIL
       

32
    

Hon. Bashiir Sh. Xuseen Tukaale
    

MAROODIJEEX
       

33
    

Hon. Cabdulqaadir Askar Xasan
    

SOOL
       

34
    

Hon. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin
    

MAROODIJEEX
       

35
    

Hon. Faarax Maxamuud Cabdille
    

SAAXIL
       

36
    

Hon. Xaashi Xuseen Caabbi
    

MAROODIJEEX
       

37
    

Hon. Xuseen Maxamed Cige
    

TOGDHEER
       

38
    

Hon. Ibraahim Mahdi Buubaa
    

MAROODIJEEX
       

39
    

Hon. Jaamac Xasan Aadan
    

TOGDHEER
       

40
    

Hon. Khadar Aadan Xusen (Ambassador)
    

MAROODIJEEX
       

41
    

Hon. Mahdi Cabdillaahi Maxamuud
    

AWDAL
       

42
    

Hon. Maxamed Baaruud Shide
    

MAROODIJEEX
       

43
    

Hon. Yaasiin Cali Warsame
    

SANAAG
       

44
    

Hon. Maxamed Faarax Qabiile
    

SAAXIL
       

45
    

Hon. Maxamed Jaamac Cali Guuleed
    

TOGDHEER
       

46
    

Hon. Muuse Maxamed Ismaaciil (Hoos-u-jeed)
    

AWDAL
       

47
    

Hon. Naasir X. Cali Shire
    

TOGDHEER
       

48
    

Hon. Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari)
    

SANAAG
       

49
    

Hon. Siciid Maxamed Cilmi
    

SOOL
       

50
    

Hon. Aadan Xaaji Diiriye Dirir
    

SAAXIL
       

51
    

Hon. Aadan Muxumed Hoorri (Mataan)
    

MAROODIJEEX
       

52
    

Hon. Siciid Warsame Ismaaciil (Gaani)
    

SOOL
       

53
    

Hon. Axmed Barkhad Obsiiye
    

AWDAL
       

54
    

Hon. Xasan Muuse Hufane (Karaamo)
    

AWDAL
       

55
    

Hon. Axmed Xasan Aadan Muuse (Waysa-cadde)
    

SAAXIL
       

56
    

Hon. Axmed Maxamed Nuur
    

TOGDHEER
       

57
    

Hon. Baar Siciid Faarax
    

SANAAG
       

58
    

Hon. Cabdi Maxamuud Jaamac
    

AWDAL
       

59
    

Hon. Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale (Dhul-cun)
    

TOGDHEER
       

60
    

Hon. Cabdikariin Aw Cali Shabeel
    

MAROODIJEEX
       

61
    

Hon. Cabdillaahi Axmed Yuusuf (Madar)
    

AWDAL
       

62
    

Hon. Cabdulqaadir X. Ismaaciil Jirde
    

MAROODIJEEX
       

63
    

Hon. Cabdulqaadir Jaamac Xaamud
    

SANAAG
       

64
    

Hon. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac
    

MAROODIJEEX
       

65
    

Hon. Cali Obsiiye Diiriye (Cali-gabilay)
    

MAROODIJEEX
       

66
    

Hon. Cali X.Maxamed Muuse
    

TOGDHEER
       

67
    

Hon. Cali Sh. Ibraahin Aareye
    

AWDAL
       

68
    

Hon. Farxaan Maxamed Cali
    

TOGDHEER
       

69
    

Hon. Xasan Cawaale Caynaan
    

MAROODIJEEX
       

70
    

Hon. Xariir Siciid Bullaale
    

SOOL
       

71
    

Hon. Xuseen Ismaaciil Yuusuf
    

TOGDHEER
       

72
    

Hon. Ibraahim Carraale Cabdi
    

SANAAG
       

73
    

Hon. Ibraahim Maxamed Xuseen (Dhaa-dheere)
    

SANAAG
       

74
    

Hon. Cabdulqaadir Jibriil Tukaale
    

AWDAL
       

75
    

Hon. Maxamed Yaasiin Sh. Cali
    

AWDAL
       

76
    

Hon. Maxamed Axmed Maxamed (Dhakool)
    

SOOL
       

77
    

Hon. Maxamed Barkhad Miiggane
    

AWDAL
       

78
    

Hon. Maxamuud Dhunkaal Guutaale
    

SOOL
       

79
    

Hon. Maxamuud Jaamac X. Cilmi (Dable)
    

SAAXIL
       

80
    

Hon. Maxamed Saalax Cige
    

SANAAG
       

81
    

Hon. Saleebaan Yuusuf Cali Koorre
    

SOOL
       

82
    

Hon. Siciid Cartan Cismaan Faarax
    

SAAXIL.
       

 

La soco qaybaha dambe ee falanqayntan oo aad u xiiso badan……

Share & Like

Comments are closed