telesom
logo
logo
logo
|

Dhalinyarada Aqoonyahanada Ah Ee Gobolka Saaxil Oo Baaq Taageero Ah U Soo Diray Xildhibaanada Golaha Deegaanka Ee Dhaliilay Badhasaabka Saaxil

Waxaa Mahad Iska Leh ILAAHAY SWT  Iyo Bahda Saxaafada Madaxa Banaan Ee Somaliland Ee Sida Hagrashada La’aanta Ah Mar Walba U Soo Gudbiya Wararka Iyo Ra’yiga Dad Waynaha .
Haddaan U Soo Daadago Qoraalkan Aanu Qalinka U Qaadanay Anaga Oo Ah Dhalinyaradiii Reer Saaxil Ee Jaamacadaha Dhameeyay , Waxaan Habeen Hore Daawaday Ama Mareegaha Wararka Ka Akhrisanay , Xildhibaanada Gobolka Saaxil Oo Dhaliil U Soo Jeediyay Badhasaabka Saaxil Baaqna U Diray Madaxwaynaha J.S.L  Iyaga Oo Ku Eedeeyay Badhasaabka Inuu Gobolka Ku Hayo Kala Qaybin , Kala Qoqob , Isku dirid Iyo Dib U Dhac taas oo sababi karta xaalad gobonimo daro .
Haddaba hadaanu nahay dhalinyarada aqoonyahanada gobolka saaxil , waxaanu xildhibaanada gobolka saaxil Ku Taageersanahay Eedayntaas AY U Soo Jeediyeen Iyo Baaqa Ay Madaxwaynaha U Direen , waayo Badhasaabku wuxuu gobolka ku hayaa dib u dhac , isku dirid , iska horkeen , kala qoqob taas oo gobolka ku haysa dhib wayn , dadwaynaha reer saaxil-na khaati ayay ka taagan yihiin badhasaabkan fadhiidka ah ee beelaha gobolka iska horkeenaaya .
Madaxwayne Xildhibaanadu Waxay Ku Soo Gudbiyeen Xaqiiqada Taala Gobolka Ee Uu Ku Hayo Badhasaabka Gobolku (CALI MAXAMED CALI GADH-DHEER ) , markaa madaxwayne badhasaabkan gobolka ka qabo oo u soo magacaw nin dadka isku keena oo gobolka hor’umar gaadhsiiya , haddii kale arin nabad galyo daro ayay sababi kartaa .
Waxaanu mar labaad hambalyo u diraynaa XILDHIBAANADA Muwaadiniinta Ah Ee mar walba ka shaqeeya danta gobolka , ee sida xilkasnimada leh ee wanaagsan u soo gudbiyay Baahidii iyo tabashadii shacabka reer saaxil iyo badhasaabkan gobolka dabka ka shidaaya ee khaatiga laga taagan yahay haddii aan gobolkan laga qaban waa caqabad hor tagaagan gobolkee arin halis ah ayay keeni kartaa ee madaxwayne hoos u eeg cabashada dadka .
Axmed Maxamed Cismaan
Khaalid Maxamed Xasan
Jaamac cali jaamac
Yusuf Xasan Muuse
Saynab Cabdi Cali
Hibaaq Odowaa Cali

Share & Like

Comments are closed