telesom
logo
logo
logo
|

Wasiirka Daakhiliga Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Amar Maamulka D/Hoose Ka Soo Baxay

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa gaashaanka ku dhuftay amar maamulka dawlada hoose ee Hargeysa ay ku sheegeen in ardayda dusiyada wax ka barata waajib kaga dhigaya inay Taysaro qaataan, cashuurtana ku bixiyaan, arrintaas oo uu ku tilmamaay mid aan suuragal ahayn in ardayda Imtixaanada galaysa Taysaro shuruud lagaga dhigo.Wasiir Duur oo shalay waraysi siiyay idaacada BBC- laanteeda Af-Soomaaliga, ayaa sidoo kale ka xogwaramay shaqaaqadii ka taagnayd deegaanka Xariirad ee gobolka Selel, taas

oo uu tilmamaay inaan heshiis dhaba laga gaadhin ninkii lagu dilay deegaanka Xariirad. Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo ugu horayn ka hadlaya xiisadii Xariirad waxa uu yidhi “Xariirad dhibtii ka taagnayd muddo dheer bay taagnayd ilaa doorashadii, dilkii ka dhacayna waxaa loo xidhay sagaal oday, beeshii dhibtu gaahay ayaa ii soo jeedisay inaan odayaashaa soo daayo tiibaan aniguna sii xoojiyay.

Khilaafkii siyaasadeed ee hore u dhacday waxaanu u galnay in dadka laysku soo jiido, xildhibanada badankoodiina shaqadoodii bay ku noqdeen , waxa hadhay in heshiis laga gaadho dilkii dhacay oo labadii beelood ay isa soo hor fadhiistaan, oo marxuumkaa dhintay waxa lagaga xaalayo ama gacan ku dhiigle hala soo qabto ama diyo hala kala qaatee marka qodobkaasi ayaa hadhay, waana qodobka aanu usii daynay sagaalka oday si ay uga hawlgalaan, marka

 

gacan ku dhiigle dil gaysto gacan ku dhiiglihii lama eedeeyee beeshii oo dhan baa la eedeeyaa, haddii ciidamada amaanku guulaysan waayee so qabashada gacan ku dhiiglihii waxaanu dhaqan ka dhaqanaa inaanu waayeelkii beeshisa qabqabano”Wasiirka daakhiliga Duur oo la

waydiiyay amarka maamulka dawlada hoose ee Hargeysa ay ku sheegtay in Taysaro ay qaataan ardayda dugsiyada oo cashuurta ay ku bixiyaan waxa uu yidhi “Anagu waxaanu wadnaa diwaangalintii in dadkoo dhami ay wada haystaan aqoonsi, mana aha mid arday imtixaan galaysa lagu xidho, oo muddo dhawr sanadooda ayuu qaadanayaa, taysarada dawlada hoosena waa mid qofkii doonaa qaadan karo, arday lagu xidhi karo taysarana ma jirto, diinwaangalintiisana maamulka dugsiga uu ka tirsan yahay ayaa iska leh”.

xigasho haatuf

Share & Like

Comments are closed