telesom
logo
logo
logo
|

Xuska 18-ka May 2013 ee Birmingham City

 

 

 

Goobta Xafladda:Al Miraj Banqueting Suite
11-29 Wordsworth Road, Small Heath;
B10 0ED, Small Heath, BIRMINGHAM  
 Saacadda:     15:00 galabnimo illaa 23:45 Habeenimo

Guddida Qaban-qaabada Xuska maalinta Qarannimada Jam. Somaliland ee 18-ka May, waxay si sharaf leh Bulshada Somaliland ugu marti-qaadayaan inay ka soo qayb-galaan xafladda sannad guurada 22-aad ee gooni-isu-taagga Jam. Somaliland, taasoo lagu qaban doono magaalada BIRMINGHAM maalinta Axada 19/05/2013; 15:00 illaa 23:45
Insha ALLAH, Xafladda waxaa inagala soo qayb geli doona M/weyna ku xigeenka JSL mudane C/raxmaan Cabdillaahi Saylici iyo Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, oo ay ka mid yihiin Wasiiro iyo masuuliyiin sare oo ka socda Xukuumadda. Haddaba waxaanu qof yar iyo qof weynba si xushmad leh uga codsanaynaa inaad ka soo qayb gashaan Xuska iyo Xasuusta Maalinta Qarannimadeena.
 
Wixii Faah-faahin ah Fadlan kala Xidhiidh:
075 655 23646
075 380 22962
079 442 08791
078 782 27321

ALLAA MAHAD LEH

Share & Like

Comments are closed