telesom
logo
logo
logo
|

Madaxweyne Siiraanyo iyo Professor Samatar oo ku kulmaya Maraykan iyo jagadda laga yaabo in loo magacaabo Professorka.

Sida ay ku dhawaaqday dawlada  Somaliland  waxaa booqasho balaadhan ku tagaya maraykan bishan dabayaqadeeda madaxweynaha Somaliland  iyo wafdi culus oo martiqaadka dawalda maraykanka ka haysta ,kadib ayaa la filayaa in madaxweynaha uula kulmo sharikadaha shidaalka oo somaliland siraad immika ku raadinya  iyo jaaliyada reer Somaliland oo uu ugu horeeyo Professor samatar  oo immika xaga Somaliland usoo janjandheedha waxaanay dadka qaar filiyaan in somaliland jago weyn laga siiyo jago weyn Safiirka Maraykan ama wakiilka UNta ee somalind iwm .
Haddaba waatan gargaar news oo arrintan si fiican u qaado dhigaysa ; LONDON (GGN)  Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Ayaa La Filayaa Inuu Booqdo Dalweynaha Maraykanka,
Halkaas Oo Sida Uu Madaxweynuhu Sheegay Uu Utegi doono Nasasho Sida uu Habeen Hore Usheegay Saxaafadda Isagoo Kula Hadlayay Airport-ka Magaalada London,
 Wararka Hoose Ee Ay Helayso Shebekadda Wararka Ee Gargaar News Ayaa Sheegaya In Madaxweyne Siilaanyo Intuu Socdaalka Kujoogo Dalka Maraykanka Ay Kulmi Doonaan Prof: Axmed Ismaaciil Samatar Oo Ah Muwaadin Udhashay Somaliland Balse Weligiiba Aaminsanaa Mabda’a Somali-weyn,  Prof Samatar Oo Weligiiba u Ololayn Jiray Somali weyn Ayaa Beryihii Ugu Danbeeyey Wuxuu Ka Taagnaa Quus Kadib Markuu Guul-darro Ballaadhan Kala Kulmay Sanadkii 2012 Oo Uu Isu Sharaxay Inuu Noqdo Madaxweynaha Somalia.
 Balse Taa bedelkeeda Uu La Kumlay Mushkilado Ka Qarsoonaa Oo Xagga Sinjiyadda ah”
Anigu Markaaan Muqdisho Tegay waxaan Ogaaday Inaan Ajaanib ahay ayuu Yidhi Prof: Samatar Oo Ka Waramayay Markuu Muqdisho Kasoo Laabtay Sanadkii Hore,
 Sikastaba Aha ahaatee Hadii Wada hadalka ay isku fahmaan Madxweyne Siilaanyo Iyo Samatar Ayaa Wuxuu Noqon Doonaa Masuulkii 3-aad Ee Aaminsan Fikirka Somali-weyn Ee  Uu Ku Guulaysto Madaxweyne Inuu Usoo Jiido Xagga Somaliland Oo Ay Dhalasho Ahaan Kasoo Jeedaan,Hore Ayaa Wuxuu Madaxweyne Siilaanyo Wada Hadal Ula Galay Sifir iyo Saleebaan Xaglo-Toosiye, Oo Iyagu Aaminsanaa Fikirka ah Somali-weyn Isla Markaana Iminka Xilal Ka Haya Xukuumadiisa

Balse Tan Prof;Samatar Hadii ay noqoto Mid Midho Dhasha Waxay U Quus-goyn doontaa Xubno Dibad Wareeg ah,

Share & Like

Comments are closed