telesom
logo
logo
logo
|

Suldaan Ka Waramay Qoddobadii ay kala hadleen Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Hargeysa (Hubaal)-Suldaan Xuseen X. Cabdi Cabdilaahi, ayaa ka hadlay qodobadii ay ka wada hadleen madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida itoobiya oo Sabtidii si diiran loogu soo

dhaweeyay magaaladda Laanqeyrta oo u hoyday kana ambo-baxay Axadii shalay oo uu gaadhay degmada Daroor ee deegaanka Soomaalida itoobiya. Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi waxa uu sheegay inay Madaxweyne Cabdi Muxumed Cumar ay si weyn loogu soo dhaweeyay

 

deegaamadii uu booqday oo dhan oo kala ahaa degmooyinka Xarshin iyo Daroor, halkaasi oo uu ku marayo socdaalkiisii u horeeyay oo uu ugu magac daray “Samo-wade”. “Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxa uu kulan la yeeshay waxgaradka iyo duqayda magaalada Laan-qeyrta, waxa labada dhinacba yeesheen kulankoodii u horeeyay oo aan isleeyahay baahi

weyn ayay labaduba u qabeen. Waxaanu la soo qaadnay madaxweynaha sidii wax looga qaban lahaa nabad-gelyadda, waxaanu si buuxda noogu balan qaaday inuu ka shaqeynayo sidii la iskugu soo dhawayn lahaa dadweynaha ku dhaqan jiidaasi, waxaanay iyaguna balan qaadeen inay la

shaqaynayaan dawladooda Itoobiya oo ay garab istaagi doonaan,”ayuu yidhi Suldaan Xuseen oo Xalay u warramay Weriye Cumar Maxamed Faarax isaga oo ku  sugan magaaladda Bali-gubadle ee Gobolka Hawd.  Suldaan Xuseen oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Xanaf kasta oo taalay in la

bogsiiyo ayuu balan qaaday madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar. Waxa kale oo uu u balan qaaday magaalada laanqeyrta oo hoos timaada degmada Xarshin inuu ka hirgelin doono goobo caafimaad iyo dugsiyo. Sidoo kale waxa madaxweynuhu uu caam ahaan balan qaaday inuu deegaamadda

Xarshin iyo Daroor laga fulin doono mashaariic horumarineed.” Suldaanku waxa uu u mahad celiyay dadweynihii kala duwanaa ee soo dhaweeyay weftiga Madaxweynaha kililka shanaad.

xigasho wargayska Huaal

 

Share & Like

Comments are closed