telesom
logo
logo
logo
|

Dhakhaatiir Sheegay Cudurka Sababa in Qofku Goor Kasta Moodo in Mobilkiisu Dhacayo

Dhakhaatiir ka tirsan Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Sydney ee dalka Sweden, ayaa sheegay inay heleen cudur masuul ka ah in qofku is-moodsiiyo inuu telefoonkiisa gacantu dhacayo xilliyada uu jeebka ku jiro amma aannu sidanba.

Khubaradani waxay cudurkan magaciisa ku sheegeen Phonton Ringing Syndrome, taasoo macnaheedu yahay xannuunka is-moodsiiska dhicitaanka mobilka, iyagoo xusay inaanay ahayn wax maskaxdu isku qufusho.

Guddoomiyaha Jaamacadda Cilmi-nafsiga ee magaalada Syndey Mr. Alex Blaszczynski, ayaa aminsan in cudurkani ka dhasho isticmaalka qalabka elaktarooniga ah, waxaannu isagoo u warramaye wargeyska Sydney Morning Herland yidhi; “Waxaan rajaynayaa in arrintani la xidhiidho fallaadhaha ay sii dayaan elaktaroonigu, iyagoo taabta unugyada neerfisyada ee ku xeeran, sidaa darteedna qofka ku dhaliya dareen gariir oo kale ah.”

Waxa kaloo uu khabiirkani sheegay in gariirka moobilka lagu xidho iyo codadka uu ku soo dhaca ay isku si u saameeyaan dadka.

Haseyeeshee, Mr. Larry Rosen oo ah khabiir cilmi-nafsiga ka dhiga Jaamacadda California ee dalka Maraykanka, ayaa isagu arrintan ku khilaafay, waxaannu ku dooday in aannu dareenkaasi wax cudur ah dhalin, balse dadku qabatimaan oo maskaxdoodu ku dhegto dhicitaanka telefoonkiisa gacanta markasta.

Mr. Michael Rothberg oo ah khabiir ka tirsan waaxda baadhitaanka caafimaadka ee Bystate Medical Cneter ee magaalada Massachusettes oo ka tirsan waddanka Maraykanka, ayaa isaguna fikradda khubarada reer Sweden soo saareen ku raacay, isagoo tibaaxay in elaktaroonigu neerfisyada ku sii dayaan fallaadho maskaxda qofka gaadha oo sababa cudurka is-moodsiiska in telefoonku dhacayo.

Togdheernews

ibraahim Khadar Siciid

Share & Like

Comments are closed