telesom
logo
logo
logo
|

Nin Qudha Iska Jaray Markii ay is Ogaadeen Laba Xaas iyo Carruurtiisa oo uu 20 Sanno Kala Qarinayey

Nin u dhashay_dalka Ingiriiska oo dukaan weyn maamule ka ahaa, ayaa qudha iska jaray, kadib markii ay is ogaadeen laba xaas iyo carruur uu dhalay oo uu muddo labaatan sannadood ah kala qarinayey, isla markaana kala fogeeyey masaafo toban mayl ah.

Mr. Andrew Ingham oo 50 jir ah, waxa uu noloshiisa u kala qaybiyey 12 carruur ah iyo laba dumar ah ee carruurtaas u dhalay, kaas oo midba mar u tegi jiray baabuurkiisana u kala kaxaysan jiray 20 daqiiqadood gudahood, balse waxa uu qudha iska jaray markii xaaskiisa weyn oo la yidhaa Jacqueline oo 30 jir ah iyo gabadha dangalada u ah amma uu la qabo oo la yidhaa Anita Barret is ogaadeen, isna waraysteen.

Sidoo kale, Mr.Andrew ayaa dhib jahwareer ah soo waajahay markii labadiisa xaasba sannadkii ina dhaafay ka tageen, waxaana laga helay maydkiisa cariish yar oo aad u nolol hooseeya, kadib markii lagu qasbay inuu ka guuri gurigii uu ku noolaa.

Macluumaadka ah inuu carruur kala duwan iyo laba xaas leeyahay ayuu ogaaday ilmahiisa ugu weyn, kaasoo ka ogaaday mareegta Facebook, kadibna kulansiiyey labada xaas.

Waxa uu xaaskiisa weyn ka dhalay siddeed carruur ah, halka uu gabadha yarna u dhashay afar ubad ah.

Ninka geeridiisa markii la maqlay ayaa labadiisa xaas waxa looga yeedhay maxkamaddda si baadhitaan loogu sameeyo, iyaga oo sheegay waqtigay is-guursadeen.

Xaaska weyn ee Mr.Andrew ka geeriyooday Mrs. Ingham waxay ninkan guursatay 1993kii, iyadoo sheegtay inay wixii intaa ka dambeeyey guri ka iibsadeen degaanka Welwyn Garden ee dalka Ingiriiska, isla markaana siddeed sannadood guurkooda kadib uu xidhiidh la sameeyey haweenayda kale oo meel 10 mile u jirta ku nool.

Ninkan ayaa isu dilay isku buuq ka dhashay xaasaskiisa ka tegay iyo ubadkiisa ka fogaaday.

Mrs. Barret oo ah gabadha yar, ayaa waraysi ay siisay wargeyska wargeyska The Sun waxay ku tidhi; “Waxa uu noloshiisa kala badh noogu qaybiyey annaga, waxaannu ahaa beenaale aad u wanaagsan, labada qoysna waqtigan way is-yaqaanaan, mar qudhana waannu is wada fahamnay, waxana isku kaayo xidhay ilmahayga ugu weyn oo Facebook isticmaala.”

 

Ibraahim Khadar siciid

Togdheernews.com

Share & Like

Comments are closed