telesom
logo
logo
logo
|

Cunista Lawska oo la sheega in uu Daaweeyo Cudur loo dhinto

Daraasad ay sameeyeen cilmi barayaal u dhashay Dalka Mareykanka ayaa lagu ogaaday in cunista Looska ay ka saacido qofka bini'aadamka ah wax yaabo fara badan oo qatar ku ah caafimaadkiisa ,

Looska ayaa la sheegay in uu ka hortago unuglaanshiyaha qofka uu u nuglaado ku dhicista cudurka Sokorta iyo cuduro fara badan oo qofka ka haeela dhinaca wadnaha .

Daraasada ayaa sidoo kae xustay in aysan wanaagsaneyn isticmaalka macmacaanka faraha badan ee lagu daro raashinka kaas oo la tilmaamay in ay sababto heerka koowaad ee uu usoo maro cudurka sokorta qofka bini'aadamka ,kaa oo lagu qiyaasay in dadka dunida kunool ee a idaran cudurka Sokorta ay gaarayaan %90 ilaa 95 taas oo lagu tilmay in saameyn aad u baaaran uu ku leeyahay Cudurka Sokorta Dadka kunool Dunida Daafaheeda.

waxaa ay intaa ku dartay Daraasada in loosku uu daweeyo ama uu u wanaagan yahay wareega dhiiga ee qofka oo uu door aad u wanaagsan ka qaato Loosku xawaaraha wareega dhiiga ee Bini'aadamka ee uu ku wareego unugyada kala duwan ee jirka ,waxaana a tilmaay in ooska ay ku dheehantahay maadada Insoliinka dhanka bayulojik ahaan.

Daraasada ayaa sidoo kale lagu ogaaday in loosku uu hoos u dhac ku sameeyo heerka uu taagan yahay maadada kolostaroolka oo dhiiga gaarsiia dhinaca maskaxda sabata wadna istaaga , gaar ahaan dadka da'doodu aadka u weyn tahay oo la tilmaamo in ay unugulyihiin Cudurada sokorta iyo hoos u dhac ku yimaada Maadada Kalostarooka sida lagu daabacay Jariidada the indepedent ee kasoo baxda dalka ingiriiska.

quburada daraasadan sameeyay ayaa sidoo kale warbixintooda waxa ay ku xuseen ilaa 65 qof oo kunool gudaha wadanka ingiriiska kuwaas oo ka koobnaa Rag iyo Dumar oo kujira Da'da 50sano jirka ah ,waxaana loo qeebiyay 48 rag ah iyo 17 haween ah oo intooda badan qaba cudurka Sokorta oo dhibaato weyn ku hayo dad weynaha wadanka INGIRIISKA .

Cilmi baarayaasha ayaa waxa ay sheegeen in ay dhawaan ay cilmi baarisyo ku soo saari doonaan daawooyin u gaar ah Cudurka Sokorta ,iyaga oo intaa ku daray in cilmi baaristooda xooga ku saari doonaan sidii ay u heli lahaayeen daawo dhireed ,maadaama daawo dhireedu tahay mida loogu istacmaalka badanyahay dunida marka loo eego daawooyinka kae ee la warshadeeyo deetana lagu daro kiimikooyinka kala duwan ee agu dhisayo tayada daawada .

Looska ayaa waxaa agu tiriyaa in uu sifeeyo maadada Kalastaroolka ee kujirta dhiiga qofka ,kana mid ah maadooyinka ka dhasha raashinka mac macaanka ee qofku isticmalo ey kujiraan waxyaabaha lama huraanka u ah nolosha qofka sida maadooyinka kala Magniisiyoomka, Buritiinka ,Bootaasiyoomka ,nuxaaska iyo Vitamin E-ga .

Cudurka Sokorta ayaa waxa agu tilmaamaa cudurada ugu faafiska badan Caaamka marka loo eego cudurada kale ee Dunida kajira ,iyadoo warbixinta gudaheeda lagu xusay in tiro koob lasameeyay lagu ogaaday in cudurka Sokorta ay la idaranyihiin 55milyan oo qof gaar ahaan qaarada Yurub iyadoo laga yaabo sanadaha soo socda uu gaaro 66malyuun oo qof oo ah dadka la idaran Cudurka Sokorta gaar ahaan anadka 2030.

Daahir Maxamad Gaabow

Share & Like

Comments are closed