telesom
logo
logo
logo
|

Muraayadda oo Muddo Dheer la Isku Dawadaa Waxay ku Nacsiin Kartaa Quruxdaada

 

Dad badan oo bulshooyinka ka mid ah, ayaa cuqdad ka qaada naftooda, sababta oo ah waxay nacaan habka Ilaahay (SWT) u sameeyey, waxaanay isku dayaan inay beddelaan abuurtaas, iyaga oo isticmaalaya waxyaabaha la isku qurxiyo oo gacmaha lagu farsameeyey.

Haddaba, khubaro dhinaca cilmi-nafsiga ku takhasustay, ayaa tilmaamay in qofka oo muddo aad u dheer ku dheygaga naftiisa isaga oo muraayad isku daawanaya uu la kulmo dhaawac nafsiyan ah amma uu cuqdad iska qaado.

Daraasada arrintan lagu ogaaday oo uu  sameeyey mac-hadka xagga dhimirka iyo cilmi-nafsiga qaabilsan ee xaruntiisu tahay magaalada London, waxaanay tilmaantay in dadka isku daawada murraayada in ka badan toban daqiiqo ay la soo daristo murugo iyo niyad-jab la xidhiidha habka uu muuqaalkiisa weji ahaaneed u samaysan yahay, taasi oo sababi karta in qofku naco quruxdiisa iyo muuqaalka wejigiisaba.

“In muraayadda waqti badan la hor taagnaado oo nafta la daawado, waxay kordhisaa niyad-jabka, waxaanay dhab ahaantii daraasaddan nooga soo baxday waxyaabo xiiso badan oo dadku ka siman yihiin,” ayey yidhaahdeen cilmi-badhayaashan oo daraasadooda ku qoray wargeyska cilmi-baadhisyada la xidhiidha dhinaca dabeecadaha lagu daabaco ee ka soo baxa magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Cilmi-baadhistani waxay intaa ku dartay in haweenka iyo ragga muraayadda muddo badan isku dawadaa ay aad u kala duwan yihiin, sababta oo ah ayey yidhaahdeen haweenku humaaga muqaal ahaaneed ee muraayadu ka bixiso kuma qancaan, marka ragga loo eego.

Khubaradan cilmi-baadhista waday waxay ku doodeen in qof kasta jecel yahay inuu naftiisa daawado waqti ka waqti, laakiin waxay intaa raaciyeen in dadka fayo qaba caafimaad ahaan aanay waqti badan ku lumin muraayadda horteeda si ay isu dawadaan, waxaanay yidhaahdeen; “Dadka isku daawada muraayadda waqtiga badan ee kalsoonidu ku yar tahay, waxay ka qadaan niyad-jab xagga muuqaalkooda ah.”

Prof. Andrew Hill oo ah khabiir cilmi-nafsiga ku takhasusay oo wax ka dhiga Jaamacadda Leeds University ee dalka Ingiriiska, gaar ahaan kulliyadeeda caafimaadka, ayaa isagu sheegay in dadka caafimaadka qabaa markay naftooda dawadaan isku qancaan, balse dadka aan fayo qabin is karaahiyeystaan.

 

Togdheernews.com

 

Share & Like

Comments are closed