telesom
logo
logo
logo
|

Maamulka Kililka Shanaad Oo U Badheedhay Taageerida Kooxdii Colaadda Ka Hurisay Buuhoodle, Lana Kulmay Siyaasiga Guur-Guurka Badan Ee Cali Khaliif Galaydh

Madaxweynaha Kililka Shanaad ee Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iilay) ayaa u badheedhay inuu gacan taageero u fidiyo oo uu qaabilo kooxdii Colaada ka hurisay Magaalada Buuhoodle, kuwaas oo uu horkacayey siyaasiga guur-guurka badan ee Cali Khaliif Galaydh oo isagu ka firdhaday dagaal 26-kii bishan Buuhoodle ku dhexmaray Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyo nabaddiid ah oo isaga taabacsan.

Ilo Wareedo lagu kalsoon yahay ayaa Haatuf u sheegay in Madaxwaynaha Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Maxamuud Cumar (Cabdi iiley) uu taageero u muujiyey Cali Khaliif, kaas oo la sheegay inuu u balanqaaday inuu garab ku siin doono sidii Maamul Goboleedkii fashilmay ee lagaga dhawaaqay shirkii Taleex uu uga hawlgali lahaa deegano ka tirsan Somaliland.

Dhinaca kale Maamulka Kililka Shanaad ee Ethiopia ayaa tan iyo intii xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ku guulaystay talada dalka u muuqada mid dhiiri galinaya kooxaha Somaliland-diidka ah, kuwaas oo u ifafaalo eeg inay fadhiisimo rasmiya uga yagleelayaan xarunta dawlad deegaanka Soomaalida ee Jigjiga.

Maalintii doraad ayey ahayd markii Ciidamada Kililka Shanaad ee Liyuu Boolisku ay Cali Khaliif Galaydh u soo galbiyeen Magaaladda Jigjiga, kaas oo ka firdhaday dagaal Magaaladda Buuhoodle ku dhexmaray Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyo hubaysan, kaas oo u baxsaday dhinaca xadka Somaliland la leedahay maamulka Kililka Shanaad ee Ethiopia.

Kooxdan Colaada ka afuufaysa deegaanadda bari ee Somaliland ee uu hogaamiyo Cali Khaliif ayaa waxa ka mid ah Garaad Jaamac Garaad Cali iyo xubno kale oo qurbo joog ah, sida uu Wargeyska Haatuf u sheegay qof ku sugan Magaaladda Jigjiga oo ka cudur-daartay in Magaciisa la shaaciyo sababo amni darteed ayaa tilmaamay in kooxdaas Nabad-diidka ah uu amray Madaxwaynaha Kililka Shanaad in la dajiyo Hotel shalayna uu la kulmay.

 

Source Haatuf.

Share & Like

Comments are closed