“Maxbuuska yidhaahda cuntadaan muddo badan ka soomanaanayaa waa qof doonaya inuu isdilo”
Hargeysa (Togdhnews)- Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa markii horreysay ka hadlay sababta keentay in maxaabiis loo haysto dilal kala duwanaa ee ka dhacay Gobolka Sool ay muddo-dhaafka ugu xidhan yihiin xabsiga Laascaanood, kuwaas oo sameeyey cunto-joojin kaga cabanayaan muddada badan ee bilaa maxkamadda u xidhan yihiin.
Md. Xuseen Axmed Caydiid oo waraysi khaas ah Jamhuuriya khadka telefoonka ku siiyey xalay, waxa uu tilmaamay inay wasaarad ahaan ilalaaliyaan in qofka maxbuusta ahi muddo-dhaaf iska xidhnaado iyadoon wax maxkamad ah la horgayn, isaga oo xusay in sababta maxaabiista Laascaanood maxkamad loo horgayn waayey la xidhiidho hay’adihii garsoorka oo ka maqan Gobolka Sool, kadib markii dad cadaw ah oo Somaliland ka soo horjeedaa bartilmaameed ka dhigeen inay laayaan guddoomiyeyaasha maxkamadda gobolkaas, waxaannu carrabka ku dhuftay in arrintaasi hadda la dhammeeyey oo Axadda maanta guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Sool u baxayaan magaalada Laascaanood.
“Maxaabiista ku xidhan Laascaanood waa niman u eedeeysan dil, waxayna ku eedaysan yihiin oo loo haystaa nimankii garsoorka Somaliland ka tirsanaa ee Laascaanood lagu laayey oo waxa laga warqabaa in maxkamadaha oo qudha afar qof laga dilay, markaa maxkamadihii dhib ayaa ku dhacday oo waa la bartilmaameedsaday, anagu wasaarad ahaan waannu ilaalinaa in qofka eedaysanaha ah muddo-dhaaf xidhnaado, iminkana maxaabiistan intooda badan afar ka mid ah waxay xidhan yihiin sannad iyo dhawr bilood, saddex ka mid ahna waxay xidhan yihiin dhawr bilood oo waxa loo haystaa dilka guddoomiyihii Maxkamadda Racfaanka Gobolka Sool ee u dambeeyey.
Markaa inay muddo ka badan muddadii kiiskooda maxkamaddu bilaabi lahayd xidhan yihiin way jirtaa, khasabna ma aha in muddo ku dhammaado kiiskoodu, laakiin muddada kiiskooda maxkamaddu bilaabi lahayd in ka badan way xidhan yihiin.”
Wasiir Caydiid oo ka hadlayey sababta maxaabiista ku xidhan jeelka Laascaanood muddo-dhaafka u xidhan yihiin, waxa uu yidhi; “Maxkamadihii kiiskooda qaadi lahaa meesha way ka maqan yihiin, dabadeedna waxa dhacday in maxaabiis meesha laga soo qaaday oo gobollada kale la keenay si kiiskooda loo gudo galo oo loo soo dhaweeyana. Waxa dhacday in markhaatiyaashii iman waayeen, dabeedna waxa isu nimi intii garsoorku saamaynayey oo Xeer-ilaaliyaha Guud, taliyeyaasha ciidammada booliska iyo asluubta, Wasaaradda Caddaaladda iyo masuuliyiintii Gobolka Sool, waxaanuna ka maarmi weynay in la yidhaa maxaabiistii Laascaanood halagu celiyo oo maxkamadihii hala geeyo Laascaanood. Markaa mushkiladdu waxay noqotay markii maxaabiistii la soo qaaday ee gobollada kalee dalka la keenay waxa iman waayey markhaatiyaashii, maxkamadihiina sidii dilalku ugu bateen meesha (Gobolka Sool) way ka baxeen oo wax la laayey oo madhay bay noqdeen, qofka maxbuuska aina waxa uu xaq u leeyahay in muddada sharcigu jideeyey maxkamad lagu horkeeno, la
akiin marka awood kaa xoog weyn timaad ee duruuf timaad wax waliba way dhacayaan oo caalamka ayey ka dhacdaa, maxaabiistana muddo-dhaafkooda waxa keenay duruuftaas jirta ee maxkamad la’aanta ahayd, laakiin hadda ayaannu diyaarinay oo maxkamadihii Gobolka Sool waanu dhisnay, berrina (maanta), waxa baxaya guddoomiyeyaasha maxkamadaha Gobolka Sool oo shidaalkoodii iyo ambabaxoodiiba waa la diyaariyey.”
Waxa kaloo uu tilmaamay in Maxkamadda Gobolka Sool iyo garsoorayaashoodaba la magacaabay 17 November 2011, isla markaana muddadaas lagu jiray sidii guddoomiyeyaasha iyo garsoorayaasha loo gayn lahaa Laascaanood si ay hawlihii garsoor ee gobolka u bilaabaan.
Md. Xuseen Axmed Caydiid oo la waydiiyey siday hadda tahay xaaladda maxaabiista cuntada ka soomay ee ku xidhan Laascaanood, waxa uu ku jawaabay; “Horta duruufta ayaa keentay in maxaabiistu muddadaas xidhnaadaan ee may ahayn dedaal la’aan la sameeyey, qofka bani’aadamka ahna cunto kama maarmi karo; oo metelan marka la sooman yahay ee aan suxuurta wax cunto afurkii dirqi baad ku gaadhaysaa, laakiin qofka maxbuusta ah ee yidhaahda cuntadaan muddo badan ka soomanaanayaa waa qof doonaya inuu is-dilo.
Waxaan leeyahay maxaabiista xidhan warkoodii sheegte, arrintuna ilaa golaha wasiirrada iyo madaxweynaha way gaadhay, garsoor caddaalad ahna way helayaan, guddoomiyeyaashii maxkamadaha gobolkuna waa kuwaas baxaya.”
Wasiirka Caddaaladda oo ka jawaabayey warbixin 10 December 2011 ka soo baxday Isbahaysiga Dhexdhexaadka ah ee Xuquuqda Aadamaha Somaliland (SOHIRA-Net) oo lagu sheegay in xukuumadda talada haysaa ku kacday tacadiyo badan, sidoo kalena jeelasha iyo maxkamadaha Somaliland ka jiraan xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda bani’aadamka, waxa uu ku dooday in aanay jirin wax tacadiyo ah oo ka dhaca xabsiyada iyo maxkamadaha dalka, waxaannu ku sifeeyeey warbixintaas mid aanay qorin dad xirfadyaqaanno ah o aqoon u leh xuquuqda bani’aadamka.
“Hortan arrintan Jamhuuriya ayuun baan ka akhriyey, laakiin cid xuquuqal-insaan ka socotay iyo warbixin naloo soo gudbiyey ma jirto. Cidda xuquuqal-insaan sheeganaysa ee warbixintan qortayna waxay ahayd in wixii ay aragtay u soo gudbiso hay’adaha ku shaqada leh si wax looga qabto, laakiin cidda waxan qortay may ahayn dad xirfadlayaal ah oo wax ka yaqaan xuquuqal-insaanka, waxayna iska ahayd hadal la iska yidhi uun, waayo markay leeyihiin jeelasha iyo maxkamadaha ayey tacadiyo ka dhacaan waxay ahayd inay wax cad soo bandhigaan oo ciddii tacadigu ku dhacday magacooda oo saddexdan soo gudbiyaan, taasina may dhicin, qoladan warbixintan soo qortayna maaha qolo aannu naqaanno oo aannu aragnay, qofka xuquuqal-inaanka ahna hadal tiro badan loogaba baahnaa ee wuxuu qorayo waa inuu caddaymo u haya.
Waxyaabaha ay qoreen ee aan Jamhuuriya ku arkay waxa ka mid ah oo tacadi ka dhigeen xukuumadda cusub markii ay xilka la wareegtay shaqaale badan bay UDUB baad ahaydeen u eriday, arrintaasina wax jira ma aha oo lama soo helayo meel xukuumaddu tidhi UDUB baad ahayd oo waa lagu eryayaa, taasina waa gef qofku dambi ku geli karo. Waxa kale oo ay ka hadleen oo xuquuqal-insaan ka dhigeen intii xukuumadda cusub jirtay busaarad baa dhacday, markaa waxan warbixintu ka hadashay waa hadal la iska yidhi oo aan caddayn loo hayn, wax ka jiraana ma jiraan.”
Wasiirka oo ka jawaabay inay jiraan maxaabiis muddo-dhaaf u xidhan oo ku jira jeelasha iyo saldhigyada dalka, waxa uu ku jawaabay;“Way jireen khaladaad aanu dalka ugu nimi oo ahaa in qofku muddo dhaaf iska xidhnaado, laakiin taasi meesha ayaanu hadda ka saarnay oo waanagii gobollada dalka oo dhan kormeerka ku soo marnay, maalintii aanu nimi maxaabiista muddo-dhaafka ah waxay ahaayeen 149 maxbuus ayey ahaayeen, taasna waannu ka hawlgalaynaa oo marba marka ka dambaysa maxaabiista muddo-dhaafka ah way sii yaraanaysay ilaa aannu meesha ka saarayno, markaa sidaas ayaannu xabsiyada uga warhaynaa, saldhigyadana waannu ka warhaynaa, waxaanu dhisaynaa guddidii caddaaladda ee ka warhaynaysay xaalada garsoorayaasha si xaaladooda loola socdo oo kii shaqo fiican qabta loo abaalmariyo, kii shaqadiisa ka soo bixi waayana loo ogaado, iyadoo ujeeddadu tahay in garsooruhu ogaado in la qiimaynayo oo wanaaggiisa iyo xumaantiisaba lagu abaalmarinayo.”
Md. Xuseen Axmed Caydiid oo la weydiiyey qaabka ay u mareen, kuna saleeyeen isku-shaandhaynta muddooyinkii dambe ku sameeyeen garsoorayaasha iyo guddoomiyeyaasha maxkamadaha kala duwan ee dalka, waxa uu xusay in ujeeddada arrintaas laga leeyahay tahay sidii loo horumarin lahaa tayada garsoorka iyo shaqada ay bulshada u hayaan, isagoo tilmaamay in isku shaandhayntan loo cuskaday aqoon iyo waayo-aragnimo labadaba. Waxa uu intaa ku daray in garsoorayaasha la magacaabay ay ku jiraan rag cusub oo aqoon leh oo jamaacadaha ka soo bartay cilmiga sharciga.
Waxa kaloo Wasiirku sheegay inay tababar garsoorenimo oo socon doona ilaa toddoba bilood u fureen 40 sharciyaqaan oo ka soo baxay jaamacadaha, kuwaasoo uu sheegay inay wax weyn ka tari doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta garsoorayaasha dalka, isaga oo tilmaamay in 40 ka qof ee tababarku u socdo ay ka qaybgalaan dhegaysiga kiisaska ka socda maxkamadaha si ay uga korodhsadaan aqoon ay hadhaw shaqadooda ku dabbaqaan. Waxa uu sheegay wasaaraddiisu wado qorshe hawleed muddo shan sanno sooconaya oo wax lagaga beddelayo xaaladaha garsoorka Somaliland, laguna horumarinayo si bulshadu u hesho garsoor sharci iyo aqoonba leh oo si caddaalad ah ugu garnaqa dhinacyada ishaya.
Mar uu ka jawaabayey su’aal ah; ‘Waxa in badan hay’adaha ammaanku sheegaan dad loo qabqabtay falal argagixiso, lamana maqlo maxkamad la horgeeyo iyo meel lagu hayaba, dadkan maxaa maxkamad loo horkeeni waayey, xaggeese lagu hayaa? Waxa uu yidhi; Dadkii loo qabqabtay falalka argagixisada wax aan xukunayn anigu kama warqabo, mana jiraan dad falal argagixiso lagu qabtay oo iyagoon xukunayn jeelasha ku jira; argagixiso halagu qabto, dil ha gaysto ama dambi kale ha galee qofkii jeel galaa xaq wuxuu u leeyahay in maxkamad la horkeenno, mana jirto cid rummaan ahaan bilaa maxkamad qof isaga hayn kartaa,” ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray Dr. Xuseen Axmed Caydiid.
Jamhuuriya.




Recent Comments