Duqa Caasimadda Hargeysa oo Maamulkii Arrimaha Dhulka Kala Wareegay Maayir-ku-xigeenka
Jamhuuriya: Xilka badhasaabka ee aad la wareegtay miyaanay ka dhignayn in hawlihii dawladda hoose iyo dawladda dhexe isku milmeen?
“Labadii bilood ee u dambeeyey xashiishku wuu tuulmayey caasimadda.. Waxana dhacday in shirkadii loo xilsaaray…”
“Aniga ayey odayaasha ku hawlan dhismaha jidka Dawga Cad ii yimaadeen oo cagafcagafyo u kireeyey, maayir-ku-xigeenkuna shaqaba kuma lahayn”
“Wixii guddoomiyaha golaha deegaanku u igmado ayuun buu guddoomiye-ku-xigeenkuna qabanayaa, sidaas ayaana sharci ah”
Waraysi khaas ah – Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir
Hargeysa (togdheernews)- Maayirka caasimadda Hargeysa, ahna ku-simaha badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa caddeeyey inuu Guddoomiye-ku-xigeenka golaha deegaanka Hargeysa Md. Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde ka wareejiyey arrimaha maamulka dhulka oo uu hore ugu xilsaarnaa, isaga oo xusay in bilihii u dambeeyey xashiish badani tuulmay degmooyinka caasimadda.
Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo Jamhuuriya khadka telefoonka xalay ku siiyey waraysi khaas ah, waxa uu meesha ka saaray in wax khilaaf ahi u dhexeeyo ku-xigeenkiisa, balse waxa uu xusay in 13 xildhibaan oo golaha deegaanka ka tirsani ay dalbadeen in arrimaha dhulka laga wareejiyo Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde, isla markaana uu isagu maayir ahaan hadda gacanta ku hayo maamulka arrimaha dhulka.
Qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa caasimadda Hargeysa iyo shabakadaha wararka ee Internet-ka, ayaa maalmihii u dambeeyey qoray warar sheegaya in khilaaf u dhexeeyo maayirka caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir iyo maayir-ku-xigeenka Md. Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde, isla markaana maayirku saxeexii iyo maamulkii xafiiska aanu ku wareejin markii uu booqashada ku tagay dalka Uganda oo uu maalintii Sabtida ka soo laabtay.
Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka hadlayey waxa ka jira khilaafka la sheegay inuu u dhexeeyo maayir-ku-xigeenka iyo inuu awoodi maamul ku wareejin waayey markuu booqashada shaqo ku tagay dalka Uganda, waxa uu ku jawaabay;
“Wax khilaaf ahi nama dhexyaal maayir-ku-xigenka, marka aan safar u baxayo xil-wareejinta toos ayaa warqad loogu sameeyaa maayir-ku-xigeenka, markaa arrinta dhulka ayuun baa dhab ah oo waannu ka wareejinay maayir-ku-xigeenka oo ilaa intii aanu joognay isaga ayaa arrimaha dhulka qaabilsanaa, laakiin imika 13 xildhibaan oo golaha deegaanka ah ayaa soo jeediyey in arrimaha maamulka dhulka laga wareejiyo, waxayna igu yidhaahdeen maadaama bilicdii iyo arrimihii dhulku xumaadeen waa inaad cid kale u xilsaartaa, isagaana (maayir-ku-xigeenka) ayaa arrimaha bulshada iyo bilicda u xilsaarnaa, markaa wixii oo dhan waanu wada beddelnay, arrimihii dhulkana imika dhibaatadii way yaraatay oo wax mushkilado ahi kama dhacaan, waanan ka wareejinay Guddoomiye-ku-xigeenka golaha deegaanka oo marba wixii guddoomiyuhu u igmado ayuu qabtaa,” ayuu yidhi; mayirka caasimadda Hargeysa.
Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo la waydiiyey cidda uu hadda ku wareejiyey maamulka arrimaha dhulka, maadaama laga qaaday maayir-ku-xigeenkii, waxa uu ku jawaabay “horta ta dhulka waan ka wareejiyey maayir-ku-xigeenka oo isku beddel aan dawladda hoose ku sameeyey ayaan ku daray, laakiin marka laga hadlayo arrimaha dhulka inta badan waxa saxeexa qoladayada fulinta oo isaguna saxeex buu ku yeelanayaa, laakiin markii hore isaga ayaa loo igmaday inuu maamulo wixii dhulka ku saabsan oo had iyo jeer madaxweynuhu wixii uu u igadmo ku-xigeenkiisa ayuun buu qabtaa, tana waa sidaas oo kale oo wixii guddoomiyaha golaha deegaanku u igmado ayuun buu guddoomiye-ku-xigeenkuna qabanayaa, sidaas ayaana sharci ah, markaas arrintaas uun mooyaane wax kale oo khilaaf ahi ma jiro oo waa been.
Maamulka dhulkana aniga ayaa la soo noqday oo hadda gacanta ku haya markii aan ka wareejiyey maayir-ku-xigeenka.”
Waxa kale oo maayirka caasimadda Hargaysa la weydiiyey waxa ka jira inay maayir-ku-xigeenka isku khilaafsan yihiin samaynta Wadada Cad ee dhinaca waqooyi uga baxda Hargeysa, isaga oo arrintaas ka jawaabayeyna waxa uu yidhi; “Waa been, wax khilaaf ahi kama taagna aniga ayey odayaasha ku hawlan dhismaha jidka dawga cadi ii yimaadeen oo cagafcagafyo u kireeyey, maayir-ku-xigeenkuna shaqaba kuma lahayn oo waan la yaabay warkan cidda qortay, guddida wadada dhisaysana laba cagaf ayaan u kireeyey, waxaanan raaciyey laba joomitar, dawladda hoose ee Hargeysana door bay ku leedahay samaynta jidkaas.”
Maayirka caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo la weydiiyey su’aal ahayd ‘Adigu waxaad tahay maayirkii caasimadda, dhawaana waxaad xilkii kala wareegtay badhasaabka Gobolka Hargeysa, labadaas xil sideed isugu wadi karaysaa?, maayirka oo su’aashan ka jawaabayeyna waxa uu yidhi; “Mushkilad malaha oo masuuliyadii badhasaabka Hargeysa waan sii wadi karaa, imikana waan wadaa oo mushaharooyinkii iyo waxyaabihii kaleba anigaa u sameeyey, shaqadii uu qabanayeyna anigaa ayaa sii haya oo wax naga baylahay ma jiraan, intii aanan dalka Uganda u bixina laba maalmood ayaan xafiiska badhasaabka sii fadhiistay, shaqo badana maba aha oo waa shaqo xafiis oo iska fudud, maantadan (shalay) waxaan u saxeexay kharashaadkii saddex biloodka ahaa ee loo baahnaa, markaa waan wadi karayaa, wax culusna maaha, wixii mushkilado yimaadana waanu xalinaa.”
Waxa Jamhuuriya weydiiyey guddoomiye-ku-xigeenka golaha deegaanka Hargeysa, su’aal kale oo ahayd ‘Xilka badhasaabka ee aad la wareegtay miyaanay ka dhignayn in hawlihii dawladda hoose iyo dawladda dhexe isku milmeen?, waxaannu maayir Jiciir ku jawaabay “Waxba iskuma milmayaan oo shaqo caadi iska ah weeyaan, xoghayiihii gobolkuna wuu joogaa, markaa waa iska caadi, xilkana waa la isku wareejin karaa.”
Guddoomiyaha golaha deegaanka Hargeysa oo wax laga weydiiyey hawsha guddida madaxweynuhu u saaray bilicda caasimadda Hargeysa iyo qaabka ay u shaqeeyaan, waxa uu yidhi; “Horta waxa jirtay guddi hore oo bilicda caasimadda qaabilsanayd oo mashquul bay ka noqdeen hawshii loo diray, laakiin guddidan cusub ee bilicda caasimadda loo magacaabay imika way shaqeeyaan oo kulamo ayey yeesheen, waxyaabo badana waanu isal garanay in la qabto, markaa imika wax badan baa guddidan u qabsoomay, hawshana si fiican baanu u wadnaa.”
Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, waxa kale oo la weydiiyey waxa sababay xashiiska meel walba tuulan ee bilicda caasimadda wax u dhimay iyo waxa ay shaqadooda u gudan waayeen shirkadaha dawladda hoose ku wareejiyey gurista xashiishka, waxa uu ku jawaabay; “Arrintaasi waa run oo xashiiskii meel wabla wuu yaal, waxana dhacday in shirkadii loo xilsaaray oo Dhis la yidhaahdo oo ka shaqaysa qaar ka mid ah degmooyinka caasimadda Hargeysa ay hawsheedii xagal-daacan tahay, waxana shaqadii laga beddelay ninkii maareeyaha u ahaa, maamulkii ayaana shirkadan ka xumaaday, markaa waxaanu ku amarnay inay isbeddel muujiyaan, dawladda hoosena way la shaqaysaa, waxaannanu ku balansanahay in aanu hawsha ka joojino shirkadan xashiiska gurta hadii ay shaqadeeda ka soo bixi waydo, mushkilada kale ee shirkadan haysatayna waxay ahayd ilaa afar baabuur oo ay la haayeen ayaa ka fadhiistay, intiina imika ayey wada kiciyaan oo haggaajiyeen, anaguna waanu la caawinay. Waana runtaa oo labadii bilood ee u dambeeyey xashiishku wuu tuulmayey caasimadda, laakiin imika way soo fiicnaanayaan, xashiishkiina way guraan, dawladda hoosena way la shaqaysaa.”
source jam





Recent Comments