telesom
logo
logo
logo
|

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Xaalada sicirka iyo sarrifka lacagaha

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay hoos u dhaca ku yimi sarrifka lacagta doollarka iyo kororka qiimaha la kala siisto maciishadda.

Madaxweynaha oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hoos u dhaca doollarka ay ka dhalatay kaddib markii lacag badan oo doollar ah ay dalka soo gashay, uuna yaraaday shilin Soomaaligii.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in dowladdu ay si degdeg ah wax uga qabaneyso arrintan oo dhibaato ku noqotay shacabka, wuxuuna sheegay in hay’adaha dowladda ee ay khuseyso loo xilsaaray in ay la tacaasho sidii wax looga qaban lahaa.

Bilihii ugu dambeeyey sarrifka lacagta doollarka ah ayaa aad hoos ugu dhacay gobollada dalka, taasoo kor u qaadday qiimaha cunnada lagu kala iibsado, maadaama Soomaaliya inta badan wax lagu kala iibsado doollar.

Togdheernews.com

 

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)