Madaxweyne Siilaanyo oo Sannad Dib u Dhigay Shirweynihii KULMIYE Iyo Sababaha uu u Cuskaday.
Hargeysa (Togdheernews)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa qoraal uu soo saaray maanta, una kala diray hoggaanka sare iyo golaha dhexe ee xisbul-xaakimka KULMIYE ku caddeeyay xukuumaddiisu ku mashquulsan tahay hawlo waaweyn oo aanay ka haleeli Karin qabashada shirweynihii xisbiga ilaa bisha December ee sannadkan. Sidaa daraadeed, waxa uu faray in dib-u-dhigista shirweynaha ay ka taliyaan Golaha Dhexe ee KULMIYE.
Qoraalka Madaxweyne Siilaanyo dib ugu dhigay shirweynihii KULMIYE waxa uu u cuskaday qoddobka 28aad ee Dastuurka Xisbiga oo sheegaya sababaha dib loogu dhigo karo shirweyneyaasha xisbiga:
“Haddii duruufo adag oo xisbiga ama dalka la soo gudboonaada dartood, ay muuqato inaan shirweynihii caadiga ahaa ee xisbigu qabsoomi karin xilligii u qorshaysnaa Golaha dhexe ee xisbiga ayaa shirkiisa caadiga ah amma caadiga ahayn ee ugu xiga taariikhda shirweynuhu qorshaysnaa ku qiimaynaya duruufaha lagaga gudbi karo, isla markaana go’aan ka qaadannay muddada shirweynaha lagu qaban karo,” ayuu ku yidhi qoraalkiisa.
Go’aanka Madaxweynaha Somaliland soo saaray, ayaa lagu tilmaamay mid mugdi gelinaya qabsoomidda shirweynaha KULMIYE oo hore ugu qorshaysnaa bishan March 2013.
TogdheerNews..Hargaysa




Recent Comments