telesom
logo
logo
logo
|

Sheeko Qosol Badan oo Dhex martay Madaxwayne Xasan Sheekh iyo Wasiirka Arimaha Dibada Marwo Fowsiya.

Waxa aan halkan idiinku soo Gudbinayaa Sheeko Qosol badan isla markana aad u gaban ahna Sheeko Siyasadeed ka dhacday Dalka Dooxa QADAR .

 

Tariikhdu markii ay ahay 4/3/2013 waxaa Dalka Dooxa Qadar Wafti ugu anbabaxay Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafti uu hogaminayo

 oo ay ka Mid tahay Gabadha sida Firfirconida leh ula shaqaysa Mamulka Dalkaasi Soomaliya ahna Wasiirka Wasarada Arimaha Dibada iyo  Ra,isal Wasare Xigeenka

 Kowaad Marwo Fowsiya Yusuf Xaaji Adam .

 

Waftigasi markii uu gaadhay Dalka Qadar waxa ay la kulmeen Amiira Dalkasi Sheekh Xamaad Binu Khaliifa ,wada Hadalkii dhexmaray ka bacdi

ayaa markii Waftigii Somalida ay ka baxeen Qasrigii Madaxtooyada ee Qadar isla markana ay Tagan yihiin Albaabkii ay ka raaci lahayeen Babuurta aadka u Qurxoon

ee loogu talagalay Martida.

 

Hadaaba  si loo geeyo Hotelkii ay Magalada Dooxa ka daganayeen ayaa waxaa Qaday Babuur loogu talagalay markii ay tageen Hotelkii Balse anay wali Galin ayaa

 Madaxwayne Xasan Sheekh waxa uu la hadlay Waftigii gaar ahaan Fowsiya waxaanu ku yidhi Hadalkan:-

 

Madaxwayne-Fowsiya Wasiir mar hadii ay inoo dhamatay Wadahadalkii inaga iyo Madaxwaynaha Qadar waxa ay noqonaysaa in aynu Dalkii ku noqono

 Hadaba inta aynan noqon waxaa inoo Fican in aan la kulano Dadka Somalida oo la ii Sheegay in Wadanka Qadar ay aad u Dagan yihiin ,miyanay idinla ahayn amma Fowsiya kula ahayn in aynu Dadkasi aynu Madaxda u nahay la kulano.

 

Hadalkasi ka bacdi waxaa hadashay Fowsiya iyada oo Qoslaysa ayay waxa  ay tidhi –

 

Fowsiya-kkkkk Madaxwayne Halkan Qadar Cidi inagaa Joogto

 

Madaxwaynahii oo Hadalklasi Fowsiya ka yaban ayaa waxa uu yidhi?

 

Madaxwayne-yaaah Fowsiya maxaa tidhi Miyaan Somaliyi joogin?

 

Fowsiya oo Qosol kala joojin wayday ayaa waxa ay tidhi ma jogaan Halkan waxaa jooga Somaliland.

 

Madaxwayne Xasan oo Yaban ilayn waa Nin Siyasada ku Cusube ayaa yidhi miyaynaan Reer Somaliland la kulmi karin??

 

Fowsiya oo Qoslaysa ayaa inta ay Madaxwaynaha Garabka Qabatay ayay waxa ay ku tidhi Madaxwayne Diyarada hore inoo saar intaan Madaxwayne Silaayo inagu soo gaadhin.

 

Soo Gudbiye

Qareen/ Khadar Ibrahim Aar

 

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)