telesom
logo
logo
logo
|

Mudane Baarlamaan oo Golaha Dhexdiisa Baastoolad ugula Baxay Xildhibaanno Muran Dhexmaray

Mudane ka tirsan Barlamaanka dalka Urdun, ayaa golaha dhexdiisa la baxay baastoolad, kadib markii uu ka cadhooday eedaymo uu xildhibaan kale u jeediyey Ra’iisal-wasaaraha waddankooda oo uu sheegay inuu dhex dabbaalanayo fadeexado muqusmaasuq.

Xildhibaanka baastoollada la baxay, iskuna dayey inuu xabbad ku dhufto mudanaha dhaliilay Ra’iisalwasaaraha, waxa dilkaas ka baajiyey xildhibaanno kale oo ay ku wada sugnaayeen hoolka fadhiyada ee Baarlamanka Urdun.

Guddoomiye-ku-xigeenka Barlamaanka Urdun Mr. Md. Khalil Atiyeh, ayaa warbaahinta u sheegay in xildhibaan Shadi Al-Adwan ka cadhooday markii mudane Zeid Shawakbeh ku eedeeyey Ra’isal-wasaare Cabddulah Nsur musuqmaasuq, kadibna bastoolad ula baxay.

Muqaallo warbaahinta laga baahiyey ayaa muujiyey mudane Adwan oo la soo baxay baastoolad, isla markaana ku buuqsan yihiin xildhibaanno kale oo golaha joogay.

Waxa kaloo Mr. Atiyeh uu sheegay in markii falkaasi dhacay uu hakiyey fadhigii golaha, isagoo xusay in kulanka soo socda Baarmalanku ku falanqayn doono tallaabada xildhibaankaasi ku kacay.

60 Jir Maktabad ku Celiyey Buug uu 50 Sanno ka Hor Qaatay

Mr. David Black oo 60 jir ah, ayaa konton sannadood kadib ku celiyey maktabad uu 1962-kii ka qaatay buug ka kooban 200 bog oo ka hadlaya suugaanta Spanishka oo la yidhaa Goya.

Mr. David oo buuggan amaah kaga qaatay maktabadda Edinburhg oo waqtigaas ahaa arday dhigta dugsiga hoose, isla markaana la raadinayey muddo 50 sannadood ah, ayaa waxa lagu xukumay inuu bixiyo ganaax dhan £3,000 lacagta Ingiriiska ah oo lagu qiimeeyey muddada dheer ee uu la maqnaa, balse ganaaxaas waxa ka cafiyey madaxa maktabaddaas.

Buuggan uu qoray Dr. Xavier de Salas oo ka hadlaya arrimo dhacay qarnigii 18aad, waxa uu Mr. David Black haystay 18,417 maalmood ah oo u dhiganta 50 sannado, kadib markii maamulka maktabaddaasi shaaciyey in la cafiyo doono qofka soo celiya buuggaas mudda dheer la raadinayey.

 “Markii aan akhriyey in ganaaxa la iska cafiyey ayaan go’aansaday inaan buugga celiyo, waxaanan dareemay wax aad u wanaagsan markii aan buugga soo celiyey sannado badan kadib.

Waqtigaas waxaan ahaa arday dugsiga hoose dhigta, waanan illaaway gebi ahaan inaan soo celiyo, wixii intaa ka dambeeyeyna maalin kasta maskaxdayda kama uu bixin,” ayuu yidhi Mr. Black.

Ibraahim Khadar Siciid

Togdheernews.com

 

 

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)