Madaxweynaha Jabuuti oo Xabsiga ku Guray Madaxda Mucaaradka iyo Boqolaal Taageerashooda ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mr. Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa la sheegay inuu xabsiga ku guray madaxda xisbiyada mucaaradka dalkaasi iyo boqolaal taageerayaashooda ah oo ku qanci waayey natiijada doorashadii Baarlamanka oo ay ku eedeeyeen in xisbiga talada hayaa ku shubtay.
Madaxii iyo Afhayeenkii dalladda USN oo ay ku bahoobeen xisbiyo kala duwan – Ismaaciil Geeddi Xareed iyo Daahir Axmed Faarax, ayaa ciidammada ammaanku xabsiga u taxaabeen, kadib markii ay isku dayeen inay taageerayaashooda kala qaybgalaan mudaraadyo ay kaga soo horjeedaan natiijadii doorashada.
Sidaa waxa sheegay Wakiilka Xisbiga UDJ oo xubin ka ah dallada USN ee dalka Biljam Mr. Axmed Rayaale, kaas oo warsaxaafadeed uu ku saxeexnaa oo lagu baahiyey shabakadaha wararka ee internetka u dhignaa sidan:
“Waxa maanta (Salaasadii) oo taariikhdu ahayd 05/03/2013 xabsi loo taxaabay Ismaaciil Geeddi Xareed oo ah madaxa dallada USN ee arrimaha doorashada, ahna madaxa xisbiga UDJ, waxana la qabtay ka hor xilligii loo ballansanaa in la isugu yimaad mudaharaad xilli ay goorsheegtu ahayd 15hH00. Sido kale waxa shalay (Isniintii) xabsig loo taxaabay Afhayeenka dalladda USN Mr. Daahir Axmed Faarax.
Ujeeddada loo xidhay Ismaaciil Geeddi Xareed oo ah suuldaaro lagu suuldaaraynayo isu-soo-baxa dadweynaha ee loo ballansanaa. Inkasta oo inta badan madaxda dalladda USN loo taxaabay jeelasha. Hase ahaatee, waxa ka soo jawaabay baaqii madaxda mucaaradku ay ugu yeedheen dadweynaha dad aad u badan oo lagu qiyaasay kumannaan qof oo kaa koobnaa bulshada laamaheeda kala duwan.
Si kastaba ha ahaate waxa hadda ku jiira jeelasha Jabuuti maxaabiis lagu qiyaasay ilaa 650 maxbuus oo ka kooban bulshada qaybaheeda oo dhan oo ay ku jiraan qaar ka mid ah madaxda dalladda USN oo ka mid yihiin Ismaaciil Geeddi Xareed, Daahir Axmed Faarax, Cabdiraxmaan Bashiir, Cabdiraxmaan Barkhad Good, Giirre Maydal iyo Maydhane Cokiye.
Anigoo ku hadlaya magaca dallada USN ee mucaaradka Jabuuti waxaan si wadajir ah u cambaaraynayna xadhigga foosha xun ee lagula kacayo madaxda iyo taagarayaasha USN oo ka dhan ah xaaquuqda aadamaha. Waxaan halkan ka codsanaynaa in maamulka Ismaaciil Cumar Geelle uu u soo celiyo xorriyada Madaxda iyo taagerayaasha USN ee sida xaq-darrada ah ugu xidhan jeelasha dalka, iyadoo aan wax shuruud ah lagu xidhayn,” ayaa lagu soo gebagebeeyey war-murtiyeedkaasi oo uu ku saxeexnaa Wakiilka Xisbiga UDJ ee dalka Biljam Mr. Axmed Rayaale.
Togdheernews




Recent Comments