telesom
logo
logo
logo
|

Farriin Hay’adda IOM ugu Talogashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka

 

 Isku xidhnaanta iyo guur-guurka, ayaa  ku sii kordhaya dunidan maanta, iyadoo hayaanku (socdaalku) qayb muhiim ah ka noqdey nolosha inka badan boqol (100) malyuun oo dumar ah. Iyadoo la eegayo heerarka kala duwan ee nolooshooda, qaybo badan oo dumarkan ka tirsan, ayaa waxay ka haajiraan degaannadooda si ay wax u soo bartaan, u soo shaqaystaan, u guursadaan, amma dib ula midoobaan reerahooda ammaba waxay ka qaxaan xaalado khatar leh oo soo wajahay darteed.

“Dumar iyo gabdho badan ayuu hayaanka (socdaalka) u yahay qaab ay ku gaadhaan hamigooda, kuna horumariyaan xaquuqdooda bani’aadamnimo. Hase ahaatee, maadaama ay yihiin dumar, isla markaana ku jiraan hayaan waxay naftoodu mar walba halis ugu jirtaa khataro – khatarahaas oo la xidhiidha tacadiyo loo geysto.” Sidaa waxa yidhi Danjire William Swing, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM).

Dumarka socotada ah ee hayaanka ku jira waxay inta badan ka shaqeeyaan shaqooyinka aan rasmiga ahayn ee ka qarsoon sharciga – sida shaqooyinka guryaha, beeraha amma adeegyada kale – taas oo ka dhigeysa inay si gaar ah ugu nuglaadaan in si khaldan looga faa’iidaysto, loona faraxumeeyo. Dhibbanayaasha ugu badan ee ka ganacsiga dadku waa dumar iyo gabdho.

Intaa waxa dheer, in tirada ugu badan ee barakacayaasha ku nool dunida oo tiradoodu gaadheyso 27.5 malyuun (toddoba iyo labaatan malyuun iyo badh) ay yihiin haween. Daraasado iyo cilmi-baadhisyo la sameeyey ayaa muujinaya in xaaladaha khataraha badan ee sii kordhaya iyo barakacinta qasabka ah ay kordhineyso burbur ku yimaad qaab-dhismeedka qoysaska iyo bulshada, kaasoo sii kordhinaya halisaha dumarku ugu jiraan khatarro muuqda amma tacadiyo galmo oo loo geysto.

 “Ragga – oo ka mid ah xubnaha qoyska, shaqaalaha, kuwa loo shaqeeyo, maamullada dawliga ah, ammase martida kale – ayaa ah kuwa inta badan geysta tacadiyada ka dhanka ah dumarka. Sidaa awgeed, waxa aad u muhiim ah in ragga lagu soo daro wacyigelinta heer bulsho ee tacadiyada ka dhanka ah dumarka si loo helo ka hortag wax-ku-ool ah oo lagaga soo horjeedo tacadiyada ka dhanka ah dumarka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mr. Swing.

Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) waxay dalka Maldova ka caawineysey inuu sameysto xaruntii ugu horreysey ee lagu taageero, looguna nasteexeeyo qoysaska fidno-walaayasha, taasoo la furay bishii December ee sannadkii tegey. Waa xaruntii ugu horreysey ee nooceeda oo kale ah oo halkaas laga furo si ay u bixiso adeegyo dib-u-kaabis ah oo la siiyo kuwa geysta tacadiyada ka dhanka ah dumarka ee waddankaas, waxana la filayaa in xaruntani kobciso siyaasadaha qoyska iyo sinnaanta lammaanaha la xidhiidha ee dalkaas.

Waddamo kaloo uu dalka Fitnaam ka mid yahay, IOM waxay taageertaa in la abuuro waxa loo yaqaan kooxaha socotada ragga ah ee ayaga is-caawiya si kor loogu qaado wacyigooda la xidhiidha sinnaan la’aanta lammanaha iyo tacadiyada ka dhanka ah dumarka. Kooxaasi waxay dhiiri galiyaan korna u qadaan hirgelinta iyo u-qareemidda habab aan tacadi ku jirin oo ragganimo leh, taas oo ay ka qaybgalayaashu si diirran u soo dhoweeyeen.

Mashaariicda socda ee IOM waxay kaloo caawiyaan dhibbnayaasha la kulma tacadiyada iyo fara-xumaynta la xidhiidha ka ganacsiga dadka. Tusaale ahaan; Barnaamijka IOM ee Tanzaaniya waxa uu ku wajahan yahay sidii gabdhaha da’yarta ah ee laga ganacsado loogu soo biirin lahaa bulshada caadiga ah. Ujeeddada barnaamijkani waxay tahay sidii hoos loogu dhigi lahaa khatarro keeni kara in dib looga ganacsado, sidaa darteed waxa la siinayaa tababarro dhinaca xirfahada nolosha la xidhiidha si ay u noqdaan qaar isku filan markay dib ula midoobaan qoysaskoodii.

“Xoojinta dhibbanaayasha si ay uga soo kabtaan tacadiga loo geystey waxay noqotay hab guulaystay oo ay isaga ilaaliyaan fara-xumayn kale, waxayna ka caawisay dumarka socotada ah inay dib u dhisaan noloshooda.” Sidaa waxa yidhi Swing oo xiganayey mashruuc IOM ka fulisay wdadanka Ecuador, mashruucaas oo daaweyn qoys ahaaneed siiyey in ka badan 1,500 (kun iyo shan boqol) muhaajiriin dumar ah oo la kulmey tacadiyo loo geystey.

Maadaama inta badan falalka tacadiga ah ee loo geysto dumarka socdaalka ah oo aan la sheegin aad u badan yihiin, IOM waxay rumaysan tahay inay jirto baahi loo qabo dhisidda hab ka-hortag oo heer bulsho ah, si loo hubiyo in hannaanka socdaalku noqdo mid u nabdoon ragga iyo dumarkaba.

Tani waxay aqbali kartaa marxalado kala duwan. Soomaaliya tusaale ahaan, IOM waxay abuurtay hab cusub oo ay kula kaashaneyso Sharikadda Banaasoonik (Panasonic) si ay u qeybiso kumanaan laanbadood oo ileyska qorraxda ku shaqeeya, kuwaasoo loo qeybiyey qoysaska barakacayaasha ah si loo horumariyo badbaadada dumarka iyo gabdhaha xilliyada mugdigu jiro. Mashruucan iyo mid kaloo la mid ah oo Pakistan laga hirgeliyeyba waxay sababeen in hoos-u-dhac wayn ku yimaad tacadiyada ku salaysan jinsiga xilliyada habeenkii ee goobaha barakacayaashu deggan yihiin ka dhaca.

Bariga Dhexe iyo woqooyiga Afrika, IOM waxay xoogga saartay iney tayeyso dawladaha si ay u ilaaliyaan shaqaalaha socotada ah, gaar ahaan dumarka ka shaqeeya guryaha. Sidoo kale, waxay xoojisey dumarka sidii ay si fiican ugu fahmi lahaayeen xuquuqdooda sharci iyo tallaabooyinka ay qaadi lahaayeen si u kor ugu qaadaan xaaladooda.

“Maadaama aynu u dabaal degayno Maalinta Caalimiga ah ee Haweenka ee sannadka 2013-ka, waxa sharaf ii ah inaan arko hal-abuuro badan oo ay shaqaalaha IOM kaga hawlgalaan dunida oo dhan si loo cidhibtiro tacadiyada ka dhanka ah dumarka marxalad kasta oo ay kaga jiraan socdaalkooda. Iyadoo la adeegsanayo habab cusub oo hal-abuur leh, isla markaana huwan nidaam lammaane oo taxadar leh ayaa barnaamijyada iyo siyaasadaha socotadu waxay noqon karaan qaab xooggan oo kor loogu qaadi karo awood-siinta dumarka, taasoo dadka oo dhan faa’iido u ah,” ayuu ku soo gebagebeeyey hadalkiisa Mr. Swing.

Togdheernews.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)