Qoysas tiro u badan oo xalay dibad-yaal ahaa markii ay ku guryo beeleen dab xooggan oo qabsaday xaafadda State House-ka

Dab xooggan oo gelinkii dambe ee shalay ka kacay xaafadda danyartu deggan tahay ee Istaad-hawska (State House) ee magaalada Hargeysa, ayaa guryo-tiray in ka badan ilaa 50 qoys, kadib markii dabku baabi’iyey guryo buulal yaryar ah oo qoysaskaasi ku noolaayeen.
Ilaa hadda lama oga sababaha dhabta ah ee dhaliyey dabka baabi’iyey guryo badan oo xaafadda State House-ka oo ay ku nool yihiin qoysas danyar ah oo noloshoodu aad u liidato, waxana qiiqa iyo ololka dabkaas laga arkayey inta badan xaafadaha caasimadda Hargeysa.
Ma jiro khasaare nafeed oo ka dhashay dabbkaas, balse uu tirtiray guryo aad u badan qoysas danyar ah ku noolaayeen iyo gebi ahaanba hantidii hoos taallay, iyadoo baabuur dab-damis ah oo xilli dambe oo dabku baahay uu ku guulaystay inay damiyo holac xooggan oo marba marka ka dambaysa ku sii fidiyey buulal yaryar oo xaafaddaasi ka kooban tahay.
Masuuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dib-u-dejinta Md. Saleebaan Xaglo-toosiye, Maayir-ku-xigeenka Hargeysa iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye/guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa markii dabka la bakhtiiyey kadib kormeer indho-indhayn ah ku tagay xaafaddaas si ay qiimeeyaan baaxadda khasaaraha dabkaasi geystay, waxaanay halkaas kula kulmeen qaar ka mid ah qoysas aad u badan oo ku guryo beelay dabka, kuwaas oo xalay bannaan-yaal ahaa.
Miisaaniyad-sannadeedka qaranka ee 2013, waxa lagu ansixiyey kharash loogu talogalay in dawladdu ku soo iibiso gaadiid dad-damis ah oo lagula dagaallamo dabka inta badan khasaaraha dhaliya, balse ilaa hadda lama hayo gaadiidkaas oo Golaha Wakiilladu meel-mariyeen kharashka miisaaniyadda ugu jiray iibkooda.
Togdheernews.com




Recent Comments