telesom
logo
logo
logo
|

Xuska 8 March: Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay canbaaraynay kufsiga, waxayna taageersan tahay kuraas loo qoondeeyo haweenka Somaliland.

 

Xarunta Xuquuqal Insaanka ee Somaliland waxay u soo jeedinay dawladda iyo shacabka Somaliland inay ku baraarugaan xuska 8 March dhibaatooyinka badan iyo tacadiyadda horyaal haweenka Somaliland.

Haweenka Somaliland kama faa’iidin xuquuqda siyaasadeed ee uu siiyay dastuurka Somaliland. Waxayna si wayn ugu hooseeyaan ka qayb-galka siyaasadda.

 Labada aqal ee Baarlmaanka oo xubinihiisu yihiin 164, haweeynay keliya ayaa ku jirta, halka golaha wasiirada oo ku dhow afartan ay ku jiraan laba haween ah oo keliya. Ma jirto haweenay keliya oo agaasime guud ah. Golayaasha degaanada ee la doortay oo ka kooban 362 xubnood, waxa haween ka ha 10 qudha.   

Xarunta Baahikoob ee Cusbitaalka Hargeysa waxay diiwaangelisay sanadkii hore (2012) 102 kufsi oo lagula kacay haween. Tiradaas oo ku kooban Hargeysa, iyada oo ay intaas dheertahay in uu kufsigu yahay mid ka mid ah denbiyada aan laga soo warbixin ee ay qarsadaan dhibanayaashu, aanayna jirin warbixin buuxda oo laga hayo gobolada kale ee dalka. Waxa caqabad wayn ku ah gaadhidda cadaaladda, faragelinta hogaamiyayaasha qabiilada oo ka hortagga in la ciqaabo denbiilayaasha.

Haweenka Somaliland waxay si wayn ugu hooseeyaan ka qaybgalka waxbarashada, iyada oo tirada hablaha dhamaysta waxbarashadu ay aad uga hoosayso wiilasha. Goobaha shaqada ayay sidoo kale ku yar yihiin haweenku gaar ahaan shirkadaha ganacsi.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay soo jeedinaysaa  in tiro cayiman looga qoondeeyo haweenka (quota) dhamaan kuraasta dawladeed, sida wasiirada, baarlmaanka, agaasimayaasha, iyo golayaasha degaanka.
Xaruntu waxay si adag u canbaraaynaysaa kufsiga iyo tacadiyadda kale ee ka dhanka ah haweenka. Waxayna ugu baaqaysaa garsoorka inaanay u dhego nuglaan fara-gelinta hogaamiya qabiileedka.

Xarutna Xuquuqal Insaanku waa urur diiwangashan oo aan dawli ahayn oo ka shaqeeya Somaliland. Xafiiska guud ee ururku waa Hargeysa.  

Waxa saxeexay:
Guleid Ahmed Jama
Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka  

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)