telesom
logo
logo
logo
|

“Wax Iskaraab biro ah oo Markab Berbera Yaala Laga Qaadaay Ma Ogin”

 

Hargeysa (Togdheernews)- Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Somaliland Md.Cabdirisaaq Cali Cismaan ayaa sheegay in aanay ogayn wax iskaraab ah oo laga qaatay shirkadda sibidhka ee Berbera, isagoo beeniyey inuu jiro markab la qabtay isagoo dalka ka dhoofinaaya biraha duugaha ah.

Md. Cabdirisaaq Cali oo maanta warbaahinta xafiiskiisa ugu warramay waxa uu sheegay in dawladdu gebi ahaan ka ganacsiga biraha duugaha ee loo yaqaan iskaraabka mabnuucday, waxaannu yidhi; “Wasaaradda Warshaduhu way cusub tahay oo  hore waxay ugu jirtay Wasaaradda Ganacsiga, intii ay Wasaaradda Ganacsiga ku jirtay wixii hawlo ah ee dhammaaday annagu war uma hayno, muddada xafiiskayagu furan yahay waa mid aad u yar, wax iskaraab biro ah oo markab Berbera yaala laga qaadaayana ma ogin, warshada sibidhka oo alaab laga qaadanayana ma ogin.

Siyaasadda Wasaaraddayada iminkaannu diyaarinaa oo warshaylaydu way badan yihiin, warshadihii hore ee qaranku lahaa wixii qalab ah ee ay lahaayeen waannu ururinayana, siyaasad cadna waannu ka yeelanaynaa, niman aqoonyahana siyaasadayada qora, markaannu siyaasadaa soo diyaarino ayuun baa lagu garan kara wixii xeer ah ee aanu leenahay, waxaanan ogahay in qaranku joojiyey in biraha duuga laga ganacsado.”

Biraha Iskaraabka loo yaqaan ayaa si weyn looga guraa gobolada Somaliland, kuwaasoo  loo qaado Itoobiya  iyo wadamada Dibada, mana jirto cid wax ka qabatay arintaas, xukuumaduna si weyn ayay arintaas uga warhaysaa balse waxba kama qaban.

 
TogdheerNews…Hargaysa
 

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)