Doofaar Weligii Ma Xalaaloobo, Faqashna Weligeed Ma Daahirto By:Bashe Qulunbe
Asalaamu calaykumFaqash may baa`in laakiin meeshay ka yara baxday, hadana waabay soo rogaal celisay. Waxaana kaaga markhaati ah nuqdadan aan hoos ku soo qoray.
Labaatan sano in ka badan ayay Somalia bilaa dawlad ahayd ka dib markii taliskii shaydaanka ahaa ee Afweyne hor boodi jiray xabada caaradeeda lagu muquuniyey meeshana lagaga saaray. Intaasbana inagu dawlad baynu ahayn itaalkeenu wuxuu doono kolba ha joogo aqoonsi caalami ahna yaynaan helinee.
Bishii aynu soo dhaafnay ayaa ilaa 1991kii xukuumad caalamka galbeedku aqoonsan yahay Somalia ka dhisantay inkastoo aanay dhula xukumin sangudhuudhi afrikaan ahina ay gacanta si buuxda uugu hayaan taladeedana Kampala iyo meel daran lagu soo gooyo.
Hadaba aqoonsi ku sheegaas Maraykan iyo inta xulafada la ahi siiyeen maxay Faqashta Xamar joogtaa kaga faa`iidaysatay ayay su`aashu tahay? Jawaabtuna waa mid keliya. Waana dalabkooda ah in kaba leefkii Maxamed Cali Samatar diblomaasi loo aqoonsado si uu uugaga baxsado uugagana gabado xukunkii ku cadaaday inuu gabood fal fool xun umada reer Somaliland kula kacay.
Hayeeshee caalamku sidooda ma indho la`ee way la yaabeen warqadaas khariban ee uu raysal wasaare ku sheega Faqashtu soo mal maluuqay! Waayo inay sidii dalkooda loola dhisi lahaa soo dalbadaan oo caalamka ka codsadaan ayay bin aadamka caadiga ahi sugayeen, ee lamaba filayn caado qaatihii khansiirka ahaa ee Cali Samatar inay muhiimadooda koowaad noqotaba! Sidaasaana mar labaad quus looga joogaa bahda aaran dubato ee Xamar calanka iblayska ka turqaday.
Bal hadaba waxaan leeyahay, qofkii inay Faqash baaba`day moodaayoow ogoow inay weli ciyaalkeedii wax ka sii hadheen oo iniinyihii aasmay kolba dhulka dushiisa ka soo foocayaan soona biqlayaan.
Bal u fiirsada waxa ina leh aynu midoowno ee soo noqda nooca ay yihiin! Halkay usgaga Cali Samatar iska fogeyn lahaayeen xumaatadii iyo tacadigii uu inoo geystay ee ay inay ka xun yihiin ina tusi lahaayeen ayay asagii weli garab ku siinayaan gardaradii asaga iyo gaalkii dalqada weeynaa shacbigeena aan waxba galabsan kula kaceen.
Hadaba ILaahay SWT ayaa hore u jebiyey Faqash, maantan fashilay oo wixii uurkooda qadhmuun ku huursanaa debeda uuga soo saaray, inaguna waxaynu leenahay cadhadiina ku dhinta yaa awlaada shayaadiin.
Doofaar weligii ma xalaaloobo Faqashna weligeed ma daahirto.
Wasalaamu calaykum waraxma
Bashe Qulunbe, London




Recent Comments