telesom
logo
logo
logo
|

Cilmi-baadhis: Sababaha Dadka Qaarkood Hurdada ugu Ragaan Maalin Kasta

Dadka badankoodu waxay jecel yihiin inay toddobaadka dhammaadkiisa hurdada ku daahaan subaxdii si ay shaqada uga nastaan, balse dad badan ayaa iyagu caadaystay inay maalin walba hurdada ka kacaan xilli dambe.

Cilmi-badhayaal u dhashay dalka Australia, ayaa sheegay inay heleen sababaha dadka qaarkood ula dhibban yihiin in ay hurdada ka kacaan xilli dambe, iyagoo arrintaasna ku macneeyey mid ka dhalatay inay jidhka dadkaas ka lunto waqtiga caadiga ah ee ay kici lahaayeen.

Khubaradan oo ka tirsan Jaamacadda Flinders University oo ku taal magaalada Adelaide ee dalka Australia, ayaa baadhitaan ku sameeyey cudurrada keena in qofku hurdada ku daaho, waxaanay xuseen in 15% ka mid ah dhallinyarada adduunka ay arrintani saamaysay, isla markaana aanay noloshooda ka hadhin.

Prof.  Leon Lack oo daraasddan hoggaaminayey, ayaa sheegay in natiijadooda hordhaca ah soo bandhigtay in hoos-u-dhac ku yimaad qaybta jidhka bani’aadamka ee waqtiga la qabsata, taasina keento in qofku xilli dambe kaco.

“Dadka hurdada oo xilli dambe ka kacaa waxay seexdaan 2:00 habeenimo amma 3:00 habeennimo, halka dadka qaarkoodna 4:00 habeennimo seexdaan, taasina waxay keentaa inay kici wayaan xilli hore subaxdii, shaqaduna ku adkaato.

Waxaannu baadhaynay asbaabaha keena in dadka qaar waqti dambe seexdaan, kadibna xilli dambe kacaan, waxaanay taasi ka dhalatay jidhkooda oo saacaddu ka lunto,” ayuu yidhi Prof. Leon.

Ibraahim Khadar Siciid

Togdheernews.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)