telesom
logo
logo
logo
|

Askari 33 Sanno ka Hor Afghanistan Lagu Waayey oo Baadiye Laga Helay Isagoo Sheekh ah

 

Askari ka tirsanaan jiray ciidammada Ruushka oo la waayey 33 sanno ka hor, waqtigaas oo Midowgii Soofiyati dagaal kula jiray dagaalyahanno u halgamayey madaxbannaanida Afghanistan, ayaa laga helay tuulo ku taal dalka Afghanistan isagoo sheekh ah.

Askarigan oo ka mid ahaa ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Ruushka oo magaciisa hore la odhan jiray Bakhretdin Khakimov, ayaa sarkaalkii ugu sarreeyey ciidanka Midowgii Soofiyati ku dhawaaqay xilligaas inuu dhintay, balse waxa uu ku dhaawacmay dagaal dhacay 1980kii, kadibna waxa badbaadiyey dad reer baadiye ka mid ah muslimiinta ku dhaqan waddanka Afghanistan, isagoo halkaasna ku qaatay diinta islaamka.

Askarigan oo qaatay magac Afghanistan oo ah Sheekh Cabdullah, isagoo guursaday gabadh degaankaas u dhalatay, laakiin aakhirkii ka dhimatay, isaguna waqtigan wuxuu aad u yaqaan daawo-dhaqameedka oo uu kaga shaqaysto gobol ku yaal galbeedka Afghanistan oo la yidhaa Heart.

Mr. Khakimov oo 53 jir ah, kana soo jeeda qabiilka Uzbek waxa uu ka mid ahaa 264 askari Ruushka u dhashay oo ruq iyo ruuxba la waayey, loona maleeyey inay geeriyoodeen.

“Xusuustiisu way fiican tahay, waxaannu markiiba noo sheegay magacyada waalidiintii, walaalkii iyo walaashii, waxaannu doonayaa inuu la kulmo qoyskiisii.” Sidaa waxa yidhi afhayeen u hadlay dawladda Ruushka.

Mr. Sharof oo ay walaalo yihiin askarigan, ayaa isagoo ka hadlayey helista walaalkii waxa uu yidhi; “Waa arrin murugo leh in aanay waalidkay waqtigan noolayn si ay u arkaan, mana sugi karo intaan arkayo.”

Waxa kaloo afhayeenka u hadlay Ruushka uu sheegay in Khakimov la tusay sawirro ka mid ah askartii la waayey, kadibna sheegay in qaarkood ku nool yihiin isla Gobolka Heart.

In ka badan 15,000 (shan iyo toban kun) oo askartii Midowga Soofayati iyo malaayiin Afghanistaniyiin ah, ayaa ku nafwaayey dagaallo qadhaadh oo labada dhinac dhexmaray intii u dhexaysay sannadihii 1979 ilaa 1989kii, kaas oo dawladda Ruushku ku doonaysay inay gacanta ku sii hayaan maamulka xukuumad uu ka dhisay caasimadda Afghanistan ee Kabul, balse ay adkaadeen dagaalyahanno dawladaha reer galbeedku hubayn jireen oo dagaallo xooggan kala hortegay ciidammada Raashiya.

Ibraahim Khadar Siciid

togdheernews.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)