telesom
logo
logo
logo
|

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka Hadlay Qodobbo Hirgelintoodu Kor u Qaadayso Kalsoonida Garsoorka

 

 Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland , ayaa ka hadlay qodobbo uu sheegay in hirgelintoodu kor u qaadi doonto kalsoonida shacabku ku qabaan hay’adaha garsoorka.

Dr. Yuusuf Ismaaciil waxa uu arrimahaas kaga hadlay xaflad loo sameeyey xidhitaanka aqoon-isweydaarsi muddo saddex maalmood ah socday xubno ka mid ah garsoorayaasha iyo xeer-ilaaliyayaasha oo kala yimi gobollada Somaliland, kaas oo ka qaybgalayaashu ku baranayeen duruus la xidhiidha xeerka anshax-marinta garsoorka iyo sidii loo soo celin lahaa, korna loogu qaadi lahaa kalsoonida bulshadu ku qabto garsoorka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, waxa uu ka qaybgalayaasha tababarkaas ugu baaqay inay shaqadooda ku dabaqaan waxyaabaha ay barteen.

 “Xeerkan waxa ku jira qodobbo muhiim ah oo ka mid yihiin in bulshadu kalsooni buuxda ku qabaan garsoorka Somaliland. Ta kalena waxay tahay xeerkani wuxuu ilaalinayaa haybaddii dadka garsoorka ka shaqeeya. Haddii labadaasi qodob ee aynu soo qadannay ay hirgalaan waxa hubaal ah in kalsoonidii garsoorka lagu qabay kor u kacday,” ayuu yidhi Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali, isagoo tilmaamay in xeerka anshaxa garsoorku faa’iido badan u leeyahay bahda garsoorka iyo bulshada kaleba.

Tababarka loo xidhay qaybaha kala duwan ee bahda garsoorka Somaliland oo ay maalgelisay hay’adda UNDP, isla markaana Maxkamadda Sare fulinaysay, waxa lagu baranayey xeerka anshax-marinta garsoorka, kaas oo dadweynaha rayidka ah awood u siinayo inay dacwayn karaan garsooraha caddaalad-darro kula kaca, isla markaana lagu dhaqayo hawlwadeennada ka shaqeeya qaybaha kala duwan ee garsoorka.

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)