Madaxda Dawladaha Waawayn ee Caalamka oo Aragtiyo iska soo Horjeeda ka Bixiyey Geerida Madaxweynihii Venezuela
Hoggaamiyayaasha dawladaha waawayn ee caalamka, ayaa aragti iska soo horjeeda ka bixiyey geerida madaxweynihii hore ee dalka Venezuela Mr. Hugo Chavez oo u dhintay shalay xannuunka Kansarka oo uu muddo la ildarnaa.
Madaxda qaar ka mid ah waddamada qaaradaha Ameerika, Aasiya iyo Yurub oo dhambaallo la xidhiidha tacsida geerida Chaves oo ahaa nin ku caan-baxay fikradda Shuuciyadda iyo nacaybka reer galbeedka, ayaa lagu cabbiray aragtiyo kala duwan oo ammaan iyo eedayn isugu jira.
Madaxwaynaha Maraykanka Mr. Brack Obama, ayaa sheegay in dalkiisu markale xaqiijinayo taageerada danaha dadka reer Venezuela iyo inay xidhiidh wanaagsan la yeeshaan, isagoo geerida Madaxweynahoodana ku tilmaamay inay furtay cahdi cusub oo Maraykankuna doonayo inay ka hirgalaan mabaadi’da dimoqraadiyadda, kala dambaynta iyo xaq-dhawrka xuquuqda aadamaha.
Sidoo kale, Ra’iisal-wasaaraha dalka Canada Mr. Stephen Harper, ayaa isna geerida Chaves ku macneeyey fursad dadka dalkaasi si wanaagsan naftooda ugu dhisi karaan, sidoo kalena uu iftiimayo mustaqbalkooda oo ku salaysan mabaadi’da xorriyatul-qawlka, dimoqraadiyadda iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha.
Haseyeeshee, Madaxweynaha Ruushka Mr. Vladimir Putin, ayaa aragti si weyn uga duwan ta madaxda reer galbeedka ka bixiyey Madaxweynaha dhintay oo uu ku tilmaamay inuu ahaa nin qayrul-caadi ah oo adag, isla markaana dalkiisa ku hoggamiyey mustaqal fiican oo uu hiigsanayey.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee China, ayaa iyaduna sheegtay in Chaves ahaa hoggaamiye wayn iyo nin saaxiib dhaw la ah dalka iyo dadka China oo uu wanaajiyey xidhiidhkooda.
Sidoo kale, Madaxweynaha dalka Iran Mr. Maxamuud Axmadinejad, ayaa isagu shaki ka muujiyey xannuunka uu u dhintay in cid kale ka dambaysay, balse wuxuu xusay inuu gaadhay hankiisii ahaa horumarinta dalkiisa iyo dadkiisa. Waxa uu intaa ku daray in Chaves nool yahay inta dalkiisu jiro ee wadaan dadaalkiisii ahaa isku filnaanshaha, naxariista iyo caddaaladda.
Madaxweynaha dalka Cuba Raul Castro oo ay saaxiib aad u dhow ku ahaayeen Chaves nidaamka Shuuciyadda, ayaa murugo iyo wax laga naxo ku sifeeyey geerida Madaxweynihii Venezuela.
Waxa kaloo iyaguna si weyn u taageeray shakhsiyadda iyo kartidii Hugo Chaves hoggaamiyayaasha inta badan Koonfurta Ameerika oo ka mid yihiin; Madaxweynayaasha Baraasiil – Dilma Rousseff, Bolivia -Evo Morales, Ecuador -Rafael Correa, Colombiya – Juan Manuel Santos iyo Uruguay – Jose Mujica.
Togdheernews.com




Recent Comments