Wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo la Muddeeyey Xilliga uu Qabsoomi Doono

Wadahadallada siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya u bilaabmay bishii June ee sannadkii 2012-dii oo in muddo ah hakad galay, ayaa hadda la muddeeyey waqtiga uu wejigiisa labaad dib u bilaabmi doono.
Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin maalinta iyo goobta uu ka dhici doono wejiga labaad ee wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, balse Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo khudbad dheer ka jeediyey xarun dhinaca ammaanka qaabilsan oo ku taal magaalada Berlin ee dalka Jarmalka toddobaadkan, ayaa uu carrabka ku dhuftay in dawladdiisu diyaargarow ugu jirto wadahadalka Soomaaliya oo uu xusay inuu dib u bilaabi doono badhtamaha sannadkan 2013.
Hase ahaatee, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar si cad khudbaddiisa uguma uu sheegin maalinta iyo bisha wadahadalladu furmi doono, balse ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in wejiga labaad ee wadahadalka loo qoondeeyey bisha June ee sannadkan 2013.
Sidoo kale, ilaa hadda lama oga goobta wadahadallada labada dal ka furmi doonaan, inkastoo la saadaalinayo inay ku qabsoomaan goob ka baxsan Afrika, gaar ahaan waddanka Ingiriiska amma dalalka Carabta.
Waxa kaloo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland uu khudbaddaas ku faahfaahiyey faa’iidooyinka ka dhalan kara wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo tilmaamay in wada-xaajoodkaas lagu gaadhi karo heshiisyo dhinacyo badan taabanaya oo muujinaya inuu labada dalka dhexmaro iskaashi la taaban karo, gaar ahaan xagga ammaanka, ganacsiga iyo in la dhiso, lana hagaajiyo is-aamminaanadda labada geesood iyo in heshiis laga gaadho xidhiidhka mustaqbalka dhexmari kara Somaliland iyo Soomaaliya.
Wejiga labaad ee wadahadallada la sheegay inuu bisha June ee sannadkan dhexmari doono Somaliland iyo Soomaaliya, waxa ka horreeya shirweyne caalami ah oo arrimaha Soomaaliya la xidhiidha oo la qorsheeyey inuu 7-da bisha May ka dhaco magaalada London ee dalka Ingiriiska, kaasoo dawladda Somaliland shaaciyey in shirkaas lagu martiqaaday, balse talo qaran laga yeelan doono ka qaybgalkiisa.
xigasho Jamhuuriya




Recent Comments