telesom
logo
logo
logo
|

Golaha Guurtida ee Somaliland u bahan yahay…Omar Yousuf Oakland, California

 

‘Ummadkasta oo horumar gadhay waxaa jira wakhti ay heleen hogaamiye (hogaamiyayaal)  dacad  ah, kuwasi oo dhibida u taga hab dawladeed oo ku salaysan cadaalad, horumar dhaqaale iyo maamul hufan. Dawlada xun iyo dawlada fiican waxaa u dhaxeeya, midna hogaankooda ayaan dan ka lahayn dalkooda iyo dadkooda midna hogaankooda ayaa dan ka lahayn dalkooda iyo dadkiisa.’

Qoralkii hore waxaan kaga hadlay, sidii golaha Guurtida u noqon lahaa gole doorasho toosa ku iman, lakiin ku yimada xulosho. Qoralkani waxaan kaga hadlayaa shaqada ama awooda golaha Guurtida ee cusub.

Waxaa loo bahan yahay in Dastuurka
Somaliland dib loo eego, si loo helo dawlada calamka la jaanqada. Dawlada cusub ee Somalilanda u bahan tahay waa in ay ka koobnato LABA WAXOOD (Ama BRANCHES) IYO GOLAHA GUURTI. Waxahani oo kala ah Waaxda Fulinta, ama Xukuumada ( Executive BRANCH), waxda Xeer dajinta ama Golaha Wakiilada (LEGISLATIVE BRANCH) iyo GOLE GUURTI.  Hadaba, GOLE GUURTI ee Somalilanda-cusubi  u bahan tahay waa inuu ka gudbo GEEDka hoostiisa uu ka bilaabmay.

Golaha Guurtida waxaa ay ahayd fikrad fiican oo loo bahnaa wakhtigii la bilaabay. Golaha Guurtidu wax badan ayuu ka taray nabada, hubka dhigada iyo  yagleelida habka dawladanimo ee maanta aynu haysano.  Odayaal dhaqameedadii hogaaminayay golahani waxaa ay kala hayeen siyaasiyiinta is haysatay iyo askartii hubka isku sitay.

Hadaba, Golaha Guurtida ee wakhtigan loo bahan yahay waa in uu noqdo mid kaa ka duwan oo hogaamiyaan dad AQOONYAHANO ah oo fahansan sida uu aduunka u shaqeeyo. Gole Guurti oo waxa ka tari kara horumarka iyo dhaqalaha dalka.

Hadaba, si kooxaha uu KURSIGU u muuqdo ayna dalka inooga baabin, waxaa loo bahan yahay Golaha Guurtida oo noqda GARSOORAYAAL, ama SIIDHIWALEYAAL (refrees). GOLE GUURTIDU waa in uu siidhiga u hayaan  Xukuumada iyo Golaha wakiilada. GOLE GUURTIDU  waaa in ay siidhiga u hayaan xusbiyada muxaafidka iyo mucaaridka.

Hadaba, golaha GUURTIDA ee cusubi waa in uu ka koobnado dad xula, kuwaasi oo ah dadka ugu AQOON BADAN, WADANISAN, WAX QABADKA BADAN, UGU DACADSAN DALKA.

Waana in ay noqdaan dad ka dheer Qabyalad, iyo Xagjirnimo. Waa in uu jiro Golewayne-Xul oo soo xula GOLAHA GUURTI. Qofka xubin ka noqonaya Golaha GUURTIDA waa in  lagu soo xulo WADANIMO, AQOON, DACADNIMO, IYO WAYO ARAGNIMO, IWM. Golaha Guurtida waa in laga soo xulo gobalada dalka, laguna soo xulo tiro iyo hab la mida ka Golaha Wakiilada, lakiin aan ahayn doorasho toosa.

Awooda shaqo ee Golah Guurtida cusubi?

Golaha GUURTIDU waa in ay ka koobnadan gudi-hooseedyo awood iyo aqoon ay ku maamulan u leh qaybahani:

1)    Gudida Cadaalada

Sida dastuurka Somaliland dhigayo, Waaxda Garsoorku waa in ay ka madax banaanato Xukuumada iyo Golaha Wakiilada, sida daradeed waa in ay hoos timado Golaha Guurtida. Gudidani waa in ay:     

•    Soo xulaan/eryi karaan Garsoorayaasha iyo Xeer Illaaliya-yaasha dalka.
•    Taba baraan Garsoorayaasha, iyo shaqalaha cadaalada.
•    Dib u eegid ku sameeyan cabashooyinka dadka.

2)    Gudida  Nabad galyada (Boliska) & Ciidanka National Guard .

•    Gudidani waa in ay soo xulaan gudida Nabad-galyada dalka, oo hoos imanaya gudidani. Waana in ay ka koobnadan xubno madax banaan ooy gudidan soo xulan iyo xubno ka tirsan Wasaarada Arimaha Gudaha sida Badhasabada, Mayarka iyo golaha daganka. Gudida Nabad-galyadu waa in  ay soo xulaan (ama eryi karaan) Boolis Chief-ka degmooyinka iyo magalooyinka.
•    Gudida Nabad-galyadu waxa ay tababarayaan Booliska, si loo helo Boolis aan ku xadgudbin xuquuqda dadka.
•    Gudida Nabad-galyadu  waxay abuurayaan Neighbor-hood boolis la shaqaya booliska qaranka.
•    Gudida Nabad-galyadu  waxa kale oo abuurayaan ciidanka National Guard (marka uu dalku helo dhaqaal). Ciidankani waxaa uu ka qayb qaadanaya masiibooyinka dabaciga ah, horumarka  iyo nabad galyda dalka, marka loo bahdo.

3)    Gudida  Dhaqalaha   
   
Gudidani waxa ay ilaalinayaan hantida dadku maalgashadaan sharkadaha-la wada leeyahay (public cooperations) iyo khayradka Qaranka (National Resource).

•    Gudidani waxay abuuran suuqa sharkadaha Somaliland (Somaliland stock exchange), waxaanay soo xulayaan dadka maamulaya National Capital Authority ama hayda maamusha IIBINTA/Kala IIBSASHASA samiyada shirkadaha dadku-wada-leeyihiin (public cooperations).
•    Waxay soo xulayaan gudi maamula khayradka Qaranka (National Resourse-ka), sida Macdanta, iyo Batroolka/Gaska IWM.
•    Waxa kale ooy soo xulayaan Gudoomiyaha Bangiga dhexe, iyo gudi maamula Bangiyada dalka.

4)    Gudida  Dimuqradiyda , Siyaasada & Doorashooyinka   
           
Gudidani waxay hubinayaan, doorashada ka hor musharaxiin dalka hogaaminaya, in ay yihiin:

a)    Qof akhlaq fiican, oon dadka isku dirin.

b)    Qof ka dheer ku dhaqanka Qabyalada iyo kala qayb qaybinta dadka.

c)    Qof ka dheer xagjirnimada, iyo

d)    Qof u qalma, aqoon ahaan, wayo aragtinimo ahaan, jagada ay isku sharaxayan.

•    Gudidani waxay samaynayaan  “code of conduct”  lagu xakamaynayo musharaxiinta doonaya in ay doorashada dalka ka qayb qatan.

•    Gudidani waxay soo xulayaan Gudida Diiwangalinta ururada siyaasada iyo hirgalinta hab dhaqanka Dimuqradiya. (Marka uu wakhtigoodu dhamado kuwa jooga).

•    Gudidani waxa kale ooy soo xulayaan Komishanka doorashooyinka. (Marka uu wakhtigoodu dhamado kuwa jooga).
           
5)    Gudida  soo xula Komishanada/Haydaha madaxa banaan.         
Gudidani waxay soo xulayaan Komishanka iyo Hay’adaha madaxbanaan , ay ka mid yihiin:

A)    Komishanka Diinta.

B)    Komishanka dajiya shuruucda Guurtida iyo Saxida/dibu habaynta Dastuurka Dalka .

C)    Komishanka  dhaqanka iyo dhaqan Celinta (Ama Rehabka).   

D)    Komishanka  Warbaahinta (Media) & Wacyigalinta.

E)    Komishanka Odayaasha Dhaqanka (Waxaa hoos imanaya Suldanada, iyo Caqilada).
Komishada xukuumada magacawdo ee ay tahay in Golaha Guurtida la hoos geeyo waa:

F)    Komishan Qandarasyada.                   
G)    Komishanka Xuquuqda Bin’adamka iyo shaqalaha.       

H)    Komishanka fayo dhawrka dawooyinka & Rashin.   

I)    Komishanka dawlada wanaaga & musuq masaqa.

Komishadanada kale  ee dalka u bahan yahay, waxaa ka mida:       
J)    Komishanka Consumers               
K)    Komishanka IT & Intertainment-ka               
L)    Komishanka la dagalanka maan dooriyaha.   

M)    Komishanka dabar goynta Qabyalada iyo kala-qayb- qaybinta ummada.               

Hay’adaha madaxabanaan ee ay tahay in ay soo xulan Gudidani waa:

C) Hay’ada hanti dawraha guud (Audit ).

Hadaba waxaa loo bahan yahay Komishan madax banaan oo ku meel gadha oo loo xilsaro sida loo soo xulo golaha guurtida ee cusub, isla marka dajiya sharciyada lagu maamulayo golaha Guurtida ee cusub iyo gudiyad hoos yimada.

Gabagabadii, waxaa loo bahan yahay in madaxwayne Axmed Maxamed Siilanyo uu hirgaliyo golaha Guurtida ee cusub, si uu dalkani u helo dawlada ku fadhida seed adag oon si fudud u burburin. Madaxwayne Axmed Maxamed Siilanyo waa madaxwayne nasiib u helay inuu hogaamiyo dawlada uu kaligii yahay shakhsiga ku fadhiya codka dadka.
Golaha Wakiilada iyo Guurtiduba wakhti daaf ayay ku fadhiyaan kurasta.

Marka madaxwayne Axmed Maxamed Siilanyo waxaa uu awood u leeyahay in dalka ka hirgaliyo golaha Guurtida ee cusub,  waa haddii uu maxwaynuhu dacad ummadani u yahay, oo uu doonayo in mustaqbal lagu xasuusto ummada uga tago.

Somaliland ha noolato!!!!!

LA SOCO QAYBTA 3: Sida lagu soo xulayo Golaha Guurtida ee cusub.

Omar Yousuf Oakland, California
 

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)