Tagitaanka Xamar Xadhigeedu Ma Xeelad Kalaa Maxaa Boqor Raabi Ku Koobey !!
Salaamu caleykum
ugu horeyn waxan salamayaa bahda saxaafada oo u taagan mar walba
gudbinta wararka iyo fikradaha caafimaadka qaba , waxaan qalinka
maanta u qaatey in aan ka yara hadlo xidhitaanka la xidhey Boqorka
sharafta inaga Mudan ee Boqor Raabi Jiilaal Oo hargeisa lagu xidho
maalin ka dib markii uu safar kaga yimi muqdisho oo uu hawlo
shakhsiyeed u joogey , waxeynu ognahey in muqdisho cid waliba maanta
tagto oo xubno xukuumada ka tirsan macal u safraan iyo shacabka
somaliland ba labada wadana ay isku furan yihiin , waxaan garan waayey
sababta boqor raabi muqdishuu ka yimi loogu xidhey ee kuwii kalena
xoriyada ugu naaloonayaan magaalooyinka , waxaan aaminsan nahey in
xadhiga boqor raabi ka qoto balaadhan yahey tagista xamar oo wax kale
xukuumadu u heysto , waxaase haboon hadii shacabka iyo xukuumada uu ka
galey danbi in lagu soo cadeeyo oo wadadeedii loo maro maxkamadna la
hor geeyo .
Waxaa ayaandaro ah uu muddo ka badan saddex weeg si sharci daro ah u
xidhan yahey xukuumada ahmed siilaanyo ilaa hadana wax danbe ah oo loo
heysto aaney jirin , waa xeelad kale oo ku keeni karta shacabka
somaliland hadey sii socoto burbur iyo dhibaato dadkoo dhan saameysa .
waxaan ku soo koobayaa hadalkeyga haadii boqor raabi jilaal danbe
galey si deg deg ah wadadii sharciga aheyd ha loo maro oo maxkamad ha
la kor keeno cidii dambiga ku heystaan ha ku soo cadeysato , hadii
kale balaayo lagama dabo tagee waa laga hor tagaa yeynaan gacmaheena
burbur iyo is neceb ku keensanin , waxa ku teegaarsan nahey baaqii
madax dhaqameedka ciidagale ay ku codsadeen in degdeg loo soo daayo
Boqorka oo xoriyadisa loo soo celiyo .
Thanks
Abdi Dahir




Recent Comments