telesom
logo
logo
logo
|

‘Shirka Beeshu (Arab) Wuu Dhacayaa, Wuxuuna la Mid Yahay Shirarkii Beelaha Somaliland Hore u Qabsadeen’

Guddoomiyaha Dhallinyarada Beesha Arab Mr. Axmed Maxamed Cabdillaahi (Darajo), ayaa sheegay in shirka beeshiisu damacsan tahay aannu ahayn mid waxyeello loogu geysanayo qarannimada iyo jiritaanka Somaliland, lana mid ah shirarka beelaha Somaliland weligood qabsan jireen.

Warsaxaafadeed Mr. Axmed-darajo ka soo saaray shalay magaalada Hargeysa, waxa kaloo uu jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay dhowaan Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md. Abiib Diiriye Nuur (Timacad).

“Waxa baryahan suuqa ku jirtey hadal aan sal iyo raad toona lahayn oo war-xuma-tashiil wado, kaasoo ah in shirka beeshu qabsanayso dadka qaar ka duwayaan majarihiisa oo ku sheegayaan shir wax lagu duminayo amma lagga soo horjeedo qarannimada Somaliland, markaa taas ayaan u baannahay in ummadda loo caddeeyo in dadka sidaas u fikirayaa ay yihin dad xaqiiqda ka fog, iskana indho-tiraya xaqiiqda ka jirta dalka.

 Waxaannu leenahay yaan ummadda loo sheegin war aan la hubin amma aanay waxba ka jirin, siday caadada uga dhigteen dadka qaar oo u baahan in ummadda laga qabto inta aanay ku fidin xumaanta ay ka dhex wadaan.

Waxannu leenahay shirka beeshu wuu dhacayaa, waqtgiisiina ayuu dhacayaa, cid horistaagi kartaana ma jirto,  waxaannu la mid yahay shirarkii lagu soo qabtey Ceerigaabo, Berbera, Sheekh, Borama,  Gar-adag, Caynabo  iyo kuwii lamidka ahaa, mana aha shir nabadda iyo horumarka Somaliland wax u dhimaya, balse waa mid kuwaasoo kale ah oo lagaga arrinsanayo danaha reerka iyo horumarkiisa,  waana mid loo baahan yahay in la qabto oo  mucaarid iyo muxafidba danaha reerka way u siman yihiin,  horumarkeedana lagama joojin karo,  wanaanuna ku soo dhawaynaynaa cid kasta oo jecel horumarka danaha reerka.

Muhiimadayadu waxay tahay in danta guud laga midaysnaado oo aan dano kale la kala eryan, haddii dano kale la eryadana danta guud ee reerka ayaa ku baaba’aysa.

Wax kaloo aan halkan ku sheegayaa in madaxda dawladda qaar ka mid ah caadaysteen inay ka hadlaan shirka reerka, kuwaas uu ka mid yahay Wasiirka Warfaafinta. Waxaannu u sheegaynaa wasiirka inuu kala garto shaqada uu qaranka u hayo, sababtoo ah shaqada qaranka ayaa lagala xisaabtamayaa.

Waxaan u sheegayaa dadka hay’adaha fadhiga kaga macaasha ee kula socda, kana qaata qardaraas ay isu sheegayaan inay nabadgelyada ilaalinayaan oo shaqaalaha kuu soo qorayna ee wixii hay’addu ugu talogashay mooyee wax kale siinaya, kana dhex kalluumaysanaya, waa in laga digtoonado, maadaama amniga dawladdu masuul ka tahay, waana wax ceeb ku ah dawladda in amniga hay’adaha loo daba fadhiisto cid kale,” ayuu warsaxaafadeedkiisa ku soo khatimay Guddoomiyaha Dhallinyarada Beesha Arab.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Beesha Arab Mr. Axmed Darajo

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)