telesom
logo
logo
logo
|

Rag Caddaalad Waayey Sida Cawsha Kala Yaac!

Waxaannu garan waynay dhawr arrimood oo haysta dadweynaha Gobolka Togdheer, gaar ahaan waxyaabo curyaamiyey reer Burco, una baahan in wax laga qabto.

Waxaan leeyahay Wasaaradda Beeraha oo wayday cid caddaalad dhaanta Isuduwaha beeraha ee Togdheer oo joogay muddo dhan 28 sanno. Waxa kaloo aan la yaabay waxa looga qaadi waayey diiwaankii Bile Rafle, kaasoo ilaa iminka furan oo qofna laga saaro, mid cusubna lagu qoro. Taas waxa ka sii daran Maxkamadaha Burco oo aannu weli soo gaadhin isbeddelkii xukuumadda KULMIYE, kuwaasoo kula shuraako ah dulmiga ay sameeyaan masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Togdheer.

Aniga oo ah dulmane waxaan madaxda Wasaaradda Beeraha soo hordhigayaa waxyaabo aan la yaabay oo lagu haysto dhulkaygii oo Wasaaradda Beeruhu ku sheegatay mulkiyad, waxaanan fahmi waayey caddaaladda la iska indhatiray iyo sababta loo arki waayey dulimiga Maxkamadda Gobolka Togdheer, mise Wasaaradda Beeraha iyo maxkamadaha Togdheer ayaa ku shuraako ah caddaalad-darrada, anigoo horkeeni doona wax kasta oo u caddaynaya dulmiga lagu dhacayo beertayda, caddaymahaasna waxaannu keeni doonnaa goorteeda iyo goobteeda marka loo baahdo, iyadoo la wada ogyahay waxa danyarta ka haysta maxkamadaha dadka iyo beeralayda Gobolka Togdheer.

Haddaba, waxaannu la yaabbannay sababaha isbeddelkii dawladdu u gaadhi waayey Gobolka Togdheer, miyaase la waayey cid kale oo beddesha ninkan sita diiwaankii Siyaad Barre, dadkana madaxa isku gelinaya, isagoo intuu qof ka masaxo, mid kalena gelinaya, dabadeed halkaas laysku qabsado, dadkana cid kala saaraysa iyo cid u xaqsooraysa aanay jirin. Waxaan ku soo xidhayaa maanso gaaban oo odhanyasa:

Rag caddaalad waayey sida cawsha kala yaacye

Caaraha dhurwaa iyo shabeel nalagu cawreeye

Canka nagu gur bahal coomiroo loo cummaamaday!

Qallinkii: Maxamed Faarax Dhammac, Hargeysa

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)