Kulan Dareen-Qaybsi Ah iyo Deeq Lacageed Oo Dallada SONYO Ku Xurmaysay Qoyskii Marxuum Barre Xaaji Cilmi Axmed.
Hargeysa (SONYO) – Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee Somaliland ee SONYO ayaa xus maamuus ah u samaysay Hooyo Xabiiba Cige Seeraar oo ah hooyada Dhashay Marxuum Barre Xaaji Cilmi Axmed oo ahaa ardaygii ugu horeeyey ee ay ciidamadii Taliskii Maxamed Siyaad Barre ku dileen maalintii dhagaxtuurka ardayda Hargeysa sannaddii 1982kii. Iyada oo maalmo koobani ka soo wareegeen xuskii maalintaasi oo maanta ku astaysan maalinta dallinyarada Jamhuuriyada Somaliland.
Kulankan xuska iyo maamuuska ahaa oo deeq lacageed lagu gudoonsiinayey Hooyo Xabiiba Cige Seeraar ayaa maanta ku qabsoomay hoolka Shirarka ee Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO, waxaana ka soo qayb galay qoyska Marxuum Barre Xaaji Cilmi oo ay ka socdeen Hooyadii iyo laba wiil oo ay Marxuum Barre walaalo ahaayeen, masuuliyiin ka kala socday Guddida Fulinta iyo Golaha Sare ee SONYO oo uu hogaaminayay Guddoomiye Xigeenka Dallada SONYO Mud. Mustafe Maxamed Daahir.
Waxa kale oo isna madashan goob joog ka ahaa Md. Axmed Muxumed Madar, Guddoomiyaha hay’adda maamul-wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa oo ka mid ahaa xubnihii dhallinyaradii UFFO ee wakhtigaasi lagu xukumay Hargeysa ee ay dhalinyaradii ardayda Dugsiyadu u mudaharaadeen.
Kulankan oo ujeedadiisu ahayd in qoyska Marxuum Barre lagu xasuusto doorkii uu Marxuum Barre ku lahaa dhaqdhaqaaqii iyo dhagaxtuurkii ay dhalinyarada Somaliland ka sameeyeen Hargeysa oo ku beegnaa 20-kii February 1982kii, taasi oo ah Maalinta Dhalinyarada Somaliland oo ay SONYO dhawaan ka xustay dhammaan gobolada dalka. Guddoomiye ku xigeenka SONYO ayaa deeq lacageed oo dhan 500 oo dollar waxa uu ku maamuusay Hooyo Xabiiba Cige Seeraar si ay dhallinyarada Somaliland u muujiyaan sida ay u barbar taagan yihiin qoyska Marxuum Barre iyo in Marxuumkaasi astaan u yahay dhinbiishii hurisay kacdoonkii shacab ee ay hormoodka ka ahaayeen dhalinyarada Somaliland ee la isaga tuuray heeryadii Taliskii Maxamed Siyaad Barre.
Agaasimaha SONYO, Mud. Saciid Maxamed Axmed, oo madashan isna hadal kooban ka soo jeediyay ayaa xusay in aanay lacagtani ahayn wax weyn balse ay tahay kaliya in karaanka xafiiska SONYO oo matalaya dhallinayarada dalku uu muujiyo abaalka aan hadhayn ee ay u hayaan dhammaan dhalinyarada naftooda u huray badbaadinta xuquuqda iyo xaqa nololeed iyo xoriyadeed ee dhalinyarada Somaliland; taasina keenayso in dadkii ay ka tageen la xuso lana xurmeeyo. Guddoomiye ku xigeenka dalladda SONYO Md. Mustafe Maxamed Daahir ayaa hooyo Xabiiba ku sharfay in Barre aanu qoyskooda oo kali ah aanu ka bixin balse uu ka baxay dhammaan shacabka Somaliland, dhallinyaraduna si gaar ah ugu hayaan xusuus ma guurto ah.
Gabogabadii kulankan, Guddoomiye ku xigeenka SONYO waxa uu Hooyo Xabiiba Cige ku wareejiyay deeqdan kooban oo gundhig looga dhigay in lagu xurmeeyo taariikhda halgankii dhalinyaranimo ee Marxuum Barre, qoyskii uu ka tagayna loo muujiyo dareen aan duugoobmin ahna mid ay wakiil uga yihiin dhammaan dhallinyarada Somaliland.




Recent Comments