telesom
logo
logo
logo
|

Mucjiso: Gabadh Yar oo Wadnaheedu ku Shaqeeyo Shandad Laabta ugu Xidhan

 

Gabadh yar oo u dhalatay dalka Maraykanka, deggana magaalada Boston, ayaa la xaqiijiyey in wadnaheedu ku shaqeeyo shandad kuwa haweenku gacanta ku qaataan ah, kadib markii iyadoo aad u yar uu wadnuhu shaqada joojiyey.

Inanta yar oo magaceedu yahay Kyah DeSimone, da’deeduna tahay 13 jir waxay ku nooshahay wadne mala-awaal ah oo ay ku rakiban yihiin baytariyo, isla markaana lagu dabeeyo birikeega sigaarka laga shito ee had jeer gaadhigeeda u dhexyaal.

Mss. Kyah DeSimone waxay dhibaatada caafimaad haleeshay iyadoo toban jir ah, waqtigaas oo iyadoo huruda xannuun degdeg wadnaha kaga habsaday, dabadeedna cusbitaalka loola cararay, waxaanay dhakhaatiirtii cusbitaalka la dhigay aad uga argagaxeen xaaladda inanta yar, kadib markii ay ogaadeen in wadnuhu shaqadii joojiyey, isla markaana xaqiiqsadeen inay ku sugan tahay xaalad la yidhaa Cardiomyopathy oo ah heer wadnaha qofku awoodu waayo inuu garaac sameeyo.

Dhakhaatiirtu waxay soo jeediyeen in ilaa inta gabadha yar ka korayso wadnaha qof kale looga beddelo, waxana si ku-meelgaadh ah loogu sameeyey qalabka la yidhaa Titanium Pump oo lagu dhejiyey laabteeda, laguna xidhay baytariyo si ay u qabtaan shaqadii wadnuhu hayey.

Qalabkan oo bir ka samayn ee wadnaha bani’aadamka ka shaqaysiinaya waa markii ugu horraysay ee carruurta yaryar lagu tijaabiyo, balse dhakhaatiirta hawshaas qabtay ayaa sheegay in aanay xal kale u hayn, maadaama aan inanta yar lagu samayn karin qalliin loogu gelinayo wadne qof kale laga beddelay, taasoo sababtay si nolosheeda loo ilaaliyo in loo sameeyo wadne macmal ah oo ay shambada ku qaadan karto.

“Waa in aannu xaalad degdeg ah dalbannaa. Shaqooyin noocan oo kale ah waan soo qabtay, dad arrintan la kulamayna waan arkay.” Sidaa waxa tidhi Denis oo ah hooyada inantan yar, sidoo kalena ah kalkaaliso caafimaad ah.

Gabadhan yar ayaa cusbitaalka laba bilood lagu hayey, loona oggolaan inay dibadda u baxdo, laakiin markii dambe waxa la siiyey shandad yar oo ay ku ridato qalabka wadnaheeda ka shaqaysiinaya ee lagu rakibay, waxana laabta loogu sameeyey aalad ku xidhiidhsan qalabka shandadda ku jira oo laydh ku shaqeeya.

 “Waan dareemi karaa inay gudaha jidhkayga gariir ka samaynayso, waana wax aad u qaylo badan, cadho iyo dhibna way igu haysaa,” ayey tidhi Mss. Kyah DeSimone oo ka hadlaysay dhibta ka haysata qalabka ay ku nooshahay.

Ibraahim Khadar Siciid

togdheernews.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)