Hoggaamiyaha Al-shabaab oo Goor la Jebiyey Farriin Hanjabaad ah u Diray Dawladda Kenya

Muqdisho (Togdheernews)- Hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaan Abu Zubeyr ayaa goor dagaalyahannadiisa laga qabsaday badanka degaannadii ay xukumi jireen ee gudaha dalka Somaaliya ayaa farriin hanjabaad ah u diray dawladda Kenya oo waqtigan shacabkeedu ku hawlan yihiin doorashooyin baaxad ballaadhan oo madaxweynayaashooda, dawladaha hoose iyo maamulayaal degaan lagu dooranaayo.
Farriintan ayaa uu ku shegay Axmed Cabdi Godane in aan nabad lagu seexanayn magaalooyinka halbawlaha u ah dalka Kenya sida Nairobi iyo Mombasa.
“Taariikhda Kenya iyo nolosha bulshadeeda waxay noqon doonta mid weji cusub gashay, kadib markii ay ciidammadeedu ku duuleen wilaayadkii islaamiga (Al-shabaab), doorasha ayaa hadda u socota, nooca madaxda aad dooratiin iyo go’aankooda siyaasadeed ayaa xadidaya mustaqbalka noloshiina iyo amnigiina.
Dawladdiinu waxay idin gelisay dagaal aan kiina ahayn, waxaanay u adeegayaan danaha guumaysiga reer Galbeedka, waa guumaysi dadban oo weji cusub leh, waxaanay u socdaan xaqiiijinta danaha shirkadahooda iyo daryeelka bulshooyinkooda, bal iswaydiiya sababta dawladdiinu u gashay colaada intaas oo dhib ah idin gaadhsiisay, ma u qalanta in laba qof oo Yurubiyaan ah badbaadintooda loo galo dhibta intaas leeg, iyadoo dhanka kale ay jirto maxaabiis muwaadiniin Kenyan ah oo la haysto, dawladda Kenyana ay u qiidhi waydo inay arrintooda wada xaajood ka gasho si ay noloshooda u badbaadiso.
Haddaad nabad doonaysiin, kala baxa ciidammadiina dhulka Muslimiinta ee ay ku duuleen, ogaadana in aan Nairobi in Mombasa nabad lagu seexanaynin inta ciidammadiinu ku jiraan gudaha wilayaadka Islaamiga ah,” ayuu yidhi Abu Zuber.
Hoggaamiyaha Al-shabaab ayaa sheegay in shacabka Muslimiinta ah ee Kenya ay qadacaan doorashooyinka, isla markaana ka dhiidhiyaan ciidammada galay dalka Soomaaliya ee duulaanka ku qaaday degaamo Al-shabaab haysan jirtay, waxaannu yidhi; “Nidaamka Kenya wuxuu idiinla dhaqmaya sidii muwaadin derejada labaad ah, wuxuu dhacay hantidiinii, ciidammadiinii ayaa qaarna la xidhay, qaarna la dilay, gobolladiinu waa kuwa ugu dib-dhacsan, uguna hooseeya xagga adeegyada bulshada, waxaad noqoteen dad ku dagma ballanqaadyada tartamayaasha madaxtinimada Kenya, xilli doorasho oo kastana waxa la idiin sameeya ballanqaadyo aan fulin, maanta waxay maraysaa in walaalihiina Muslimiinta Soomaaliya dalkoodii iyo hantidoo la qabsado, cashuurta aad siisaan dawladda Kenyana lagu iibsado, rasaasta lagu xasuuqaayo ee lagu gumaadaayo walaalihiina Muslimiinta ah.”
Ibraahim Khadar Siciid
Togdheernews.com
Hargaysa/Office




Recent Comments