telesom
logo
logo
logo
|

Waxaan u Arkaa in la i dalacsiiyey Markii la i magacaabya gobolka Mardoodi jeex

 

 

Hargaysa -(TogdhNews)- Gudoomiyaha cusub gobolka Maroodi jeex Axmed Maxamuud Jeeni-yare ayaa markii u horeysay ka hadlay Dareenkiisa ku waajahan isku bedelka Madaxweynaha Somaliland ku sameyey badhasaabada dalka.

Badhasaabka oo ka hadlaaya waxa ka mid ahaa hadalkiisi" gobolka Sool Waxuu ahaa gobol aan aad u aqiinay oo aan muddo badan ka soo shaqaynayey, waa gobol Xududo Badan leh, sida Puntland, Somaliya  iyo kooxo nabad diida, ilaahay mahadi weeyaan guulo badan ayaa ka gaadhay, intii aan xilkaasi hayey, shacabka reer Sool waa shacab fiican oo nabad jecel waxaan u soo jeedinayaa inay la shaqeeyaan gudoomiyaha cusub ee aniga i bedelay.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa Sii wata aya waxa uu yidhi" Aad baan ugu faraxsan gobolka  Maroodi jeex ee la i soo bedelay, waxaan u arkaa in la i dalacsiiyey, waxaan uga mahad celinayaa madaxweynaha Soomaaliland aad baan ugu faraxsan  xilkan waxaana dalacsiinta keentay dedaal badan oo aan sameeyey."

Gudoomiyaha ayaa hadalkan ka sheegay, ka markii u kulan la qaatay madaxda hay'adaha iyo Masuuliyinta degmada gobolka maroodi jeex.

Hargaysa/Togdheernews.com
hamsedigaale@gmail.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)