telesom
logo
logo
logo
|

Gabadhii ugu Yarayd Muslimka Madow ee Wasiir ka Noqota Faransiiska oo Xabsi la Dhigay

 

Gabadhii ugu yarayd muslimka madow ee wasiir ka noqota dalka Faransiiska, ayaa xabsiga loo taxaabay shalay, kadib markii la sheegay ku kacday dembiyo la xidhiidho wax is daba marin doorasho.

Mss. Rama Yade oo 36 jir ah ayaa maxkamadda la yidha Naterre Correctional ku heshay dambiyo dokumantiyo ay been-abuurtay.

Gabadhan oo doorashadeedu wax badan ka tartan kala qaybsanaantii jinsi ee dalkaas ka jirtay, kadib markii sannadkii 2007 oo ay ahayd 20 jir uu madaxweynihii hore ee Faransiisku Nicolar Sarkozy u magacaabay xoghayaha xuquuqal-insaanka qaranka, balse waxa lagu eedeeyey shalay in ay ku kacday khiyaamo iyo been sheegid, kadib markii ay cinwaanka guri cusub oo la siiyey ka been abuurtay, lana ogaaday inuu madhan yahay.

Sidoo kale, waxa lagu helay inay laaluush iyo bangalooyin khaas ah diyaarsatay si ay ugu diyaarsado codad u suurtogeliya inay noqoto xubin barlamaan oo laga soo doorto magaalada Colombes oo ku taal woqooyiga/bari ee caasimadda Paris.

Mss. Yade oo ku dhalatay dalka Senegal ayaa iyadoo faqiir ah Golaha Degaanka Faransiisku siiyeen guri ay ku noolaato, laakiin aakhirkii way ka guurtay.

Waxa xaashiyaha eedaha gabadhan ku yaal inay xubnaha doorashada ku lugta leh ay u bandhigtay lacag si doorashada ugu musuqmaasuqaan sannadkii 2009 iyo 2011.

Sidoo kale, waxay gabadhani beddeshay cinwaanka guriga ay ku noolayd, waxana baadhitaano dawladdu samaysay lagu ogaaday oo guddida doorashadu heleen in aqalka cusub ee ay deggan tahay madhan yahay.

Haweenaydan ayaa mustaysan doonta saddex sanno oo xadhig ah iyo lacag ganaax ah oodhan £40,000 lacagta Ingiriiska ah, kadib markii ay jebisay xeerka doorashada, waaana laga mamnuucay ka qaybgalka doorashada.

Mss. Yade waxay sheegtay in cinwaankeeda hore yahay mid sharci ah, bangaladeeda labaad waxay noqotay mid madhan.

“Umay jeedin ay ku kacdo khiyaamo,” ayuu yidhi qareen Antonin Levry, isagoo intaa ku daray in looga gol leeyahay sidii Mr. Yade looga reebi lahaa doorashada golaha degaanka ee 2014.

Ibraahim Khadar Siciid

Togdheernews.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)