Soomaali Tahriibayaal ah oo laga Sii Daayey Xabsiyada liibiya
20 maxaabiis Soomaali ah oo isugu jira rag iyo dumar ayaa laga sii daayay xabsi ku yaalla dalka Libya kaddib markii sii dayntooda ay dadaal u gashay safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Libya.
Weriye madax-bannaan oo ku sugan Libya, laguna magacaabo Maxamed Cabdi Naxar ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta sii daynta maxaabiista, oo uu sheegay inay bilooyin badan ku xirnaayeen xabsi ku yaalla magaalada Sabratah ee waqooyiga galbeed ee Libya.
Weriyaha wuxuu sheegay in ku simaha safiirka Soomaaliya u fadhiya Libya, ahna qunsulka safaaradda, Aways Amiin Sheekh uu xabsiga ka kaxeeyay maxaabiista Soomaalida.
Qaar ka mid ah maxaabiista ayuu weriyaha sheegay inay xabsiga ku jireen sagaal bilood.
Maxaabiista maanta la sii daayay ayaa isugu jiray kuwo la qabtay iyagoo saaran doonyo ay kaga tahriibi rabeen Libya, halka kuwa kalena la xiray kaddib markii ay hab sharci darro ah ku soo galeen dalka.
Marka laga soo tago maxaabiista Soomaalida ee maanta la sii daayay, waxaa jira in ka badan 500 oo qof oo Soomaali ah oo weli ku xiran xabsiyada dalka Libya.
News/Desk





Recent Comments