Shantii Dambiile ee Adduunka ugu Khatarsanaa, Uguna Raadinta Badnaa iyo Dambiyaday Galeen
Raggan shanta ee aynu wax ka sheegi doono dambiyadooda waxa caalamku isku raacay inay ahaayeen dadka ugu khatarsan oo aanay qabashadooduna sahlanayn, inkastoo qaar ka mid ah la khaarajiyey, haddana waxa lagu eedeeyey in ay gaysteen qaraxyo, dilal, gudbin daroogooyin iyo sidoo kale dadka oo aad uga cabsan jiray.
1. Meyer Lansky:
Mr. Myer Lansky waxa uu asal ahaan ka soo jeeday dalka Ruusha, balse wuxuu ku noolaa oo uu sitay dhalasho Maraykan ah, waxaannu ahaa nin ku astaysan dhammaan xarumaha dambiyada dalka Maraykanka.
Mr. Meyer wuxuu noqday tobonaan sannno ka hor mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu awoodda badan Maraykanka gudihiisa, waayo waxa aad uga cabsan jiray bilayska, siyaasiyiinta iyo shacabka, maadaama uu ahaa maafiyo.
Waxa uu si khaas ah u lahaa xarumo khammaarka lagu ciyaaro oo sahayda nafo badan, kuwaasoo teedsanaa laba bilaabo magaalada Saratoga, New York iyo Miami ilaa Las Vegas oo dhammaantood dalka Maraykanka ah.
Ninkan waxa ku filnaan waayey dhaqaalaha ka soo gala khammaarka ee uu furayo, waxaannu khammaarkiisu u gudbay Jasiiradda Cuba, waxaannu saamayn badan ku yeeshay saamiyada ka jirta dhammaad dalka Maraykanka, isagoo dadka ka qaadi jiray baad sannadle ah… La soco….
Ibraahim Khadar Siciid
Togdheernews.com
Hargaysa/office





Recent Comments