telesom
logo
logo
logo
|

Ra’iisal-wasaarihii Hore ee Ingiriiska oo Qirtay in Shacabkiisu Colaad Weyn ugu Qadeen Weerarkii Ciraaq

 

Ra’iisal-wasaarihii hore ee dalka Ingiriiska Mr. Tony Blair, ayaa si rasmi ah u qirtay Arbacadii toddobaadkan in dagaalkii Maraykanka iyo Britain ku qaadeen waddanka Ciraaq uu sababay in shacabka dalkiisu colaad xooggan u qaadaan.

Mr. Blair waxa kaloo uu qiray in Ingiriiska iyo Maraykanku ku guuldarraysteen inay adduunka ka dhigaan mid amni ah, balse nabaddiisa ku ciyaareen.

Waraysi khaas ah oo loogu talogalay xuska dabbaaldegga dabaaldego sannad-guuradii 10aad ee ka soo wareegtay weerarka ii lagu qaaday Ciraaq, ayuu Tony Blair sheegay in dad badan oo shacabka Ingiriiska ka mid ah aflagaado kula kacaan meel kastoo uu marayo, arrintaas oo uu xusay inay salka ku hayso go’aankii dagaalka Ciraaq ee ay isku waafaqeen isaga iyo Madaxweynihii hore ee Maraykanka Mr. George W. Bush.

Haseyeeshee, Mr. Blair ilaa hadda raalligelin kama uu bixin dagaalkaas oo ay ku nafwaayeen 179 Ingiriis ah, sidoo kalena sahayday nolosha 100,000 qof oo Ciraaqiyiin ah, waqtiganna wuxuu soo jeediyey in dagaal lagu qaado Suuriya iyo Iran.

Shaqsiyaad u dhashay Ingiriiska oo dad qoysaskooda amma qaraabadooda ku dhinteen dagaalladaas, ayaa soo jeediyey in Blair la horgeeyo maxkamadda dagaalka adduunka si loogu ciqaabo dambiyo ay sheegeen inuu u geystay shacab aan waxba galabsan iyo qaar uu ka galay bulshada Britain.

“xaqiiqdu waxay tahay waxa jira dad i aflagaadeeya markaan waddooyinka marayo, iyagoo wax ka sheega sidii aan ugu guulaystay doorashadii 2005-tii oo ka dambaysay dagaalkii Ciraaq. Waa dhab oo arrintaasi xaalad adag bay igu keentay,” ayuu yidhi Tony Blair oo ka hadlayey dhibaatooyinka dagaalkaas ka soo gaadhay.

Ibraahim Khadar Siciid

Togdheernews.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)