telesom
logo
logo
logo
|

Dagaal Dhexmaray Qudhaanjo Qaaradda Aasiya ka Qaxday iyo Mid Ameerika ku Dhaqan

 

Cayayaanka aadka u yaryar ee loo yaqaan qudhaanjada oo qaaradda  Aasiya  ka soo jeeda, isla markaana ah noocyada ugu halisaysan, lehna qaniinyo xannuun kulul, ayaa dagaal dhul-ballaadhsi ah ku qaadday qudhaanjo ku dhaqan dalka Argentine ee ku yaal koonfurta qaaradda Ameerika.

Qudhaanjadaas halista ah oo dalka Maraykankana caan ka noqotay sannadihii u dambeeyey, qaniinyadeedana dadku aad uga baqaan, ayaa la sheegay in aanay waxyeelladeedu ku koobnaan doonin dhulka ay ka qaadday qudhaanjada Argentine, balse bulshada Ameerikanka ayaa waqtigan khaatiyaan ka jooga, waxaanay qaniinyadeedu sababtaa in qofka dhiigiisu kala xidhmo, halka ruuxa cun-cunka lehna ay geeri gaadhsiiso.

Qudhaajada Argentine oo lagu yaqaan inay cimri dheer tahay, ayaa dalka Maraykanka ku fiday, kana qaaday qudhaanjooyinkii kale ee halkaas ku noolaa qarnigii 19aad, muddo dheerna waxay ahayd nooca keliya ee qaaradda Ameerika xuurtada ku haysta, balse waxa haatan bara-bixiyey oo duullimaad ku qaaday qudhaanjo halis ah oo asalkeedu ka qaxday qaaradda Eshiya.

Khubarada ku takhasusay cayayaanka oo arrintan baadhitaan ku sameeyey, ayaa sheegay in qudhaanjada Argentine awood u yeelan wayday inay la daaalanto noocan cusub ee ku soo duulay, kuwaasoo uga yaacay meel kastoo ay joogtay laga bilaabo Gobolka Alabama ilaa New York oo loo sii dhaafaayo Oregon.

Saynisyahanka cilmi-baadhistan hoggaaminayey oo la yidhaa Dr. Eleonor Spicer Rice, kana tirsan Jaamacadda Carolina ee dalka Maraykanka, ayaa sheegay in qudhaanjada Eshiya ka guurtay noqon doonto ta u sarrayn doonto cayayaanka Maraykanka sannadaha soo socda.

Dr. Spicer Rice ayaa waxa uu sheegay inuu baadhitaanka arrintan bilaabay, kadib markii uu ogaaday in qudhaanjada Eshiya ka qaadday beer ku taal xafiiska laga maamulo qudhaanjada Argentina.

Sidoo kale, cilmi-badhayaashu waxay sheegeen inay qudhaanjada doolka ah ee Eshiya u adkaysatao cilmilada qabow iyo ka kululba, halka ta ku nool Argentine ay sii noolaato oo keliya ilaa dayrta.

“Qudhaanjada Eshiya waxay awood u leedahay inay ku noolaato kaymaha iyo meelaha magaalooyinka ah, sababtoo ah cimilada qabow bay ku noolaan kartaa, aadna way u dheeraysaa, dadkana way u daran tahay, balse Argentine qudhaanjadeedu ma aha mid dadka sidaas wax u yeesha,” ayey tidhi Dr. Spice Rice.

 Ibraahim khadar Siciid 

togdheernews.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)