Iskaashatada Basaslayaasha Hargeysa oo ku Dhawaaqay Inay Kordhin Doonaan Lacagta ay ku Qadaan Bulshada
Hargeysa (Togdheernews)- Guddida Iskaashatada Basaslayaasha caasimadda Hargeysa ayaa caddeeyey in ay kor u qaadi doonaan lacagta ay ku qadaan bulshada, haddii xukuumaddu ay tallaabo deg deg ah ka qaadi waydo ganacsatada shidaalka soo dejisa oo sixirka shidaalka lagu iibsan jiray ku qaali gareeyey.
Iskaashada basaslayaasha oo warbaahinta maanta la hadlay waxa kale oo ay sheegeen in 10 litir ee shidaalka ah oo hore u ahaa 64 kun oo Somaliland shilling ah uu hadda noqday 75 shillin, taasoo ay ku korodhay lacag dhan 11 kun Somaliland shillinn, waxaanay xukuumadda ku eedeeyeen in ay tahay mid gudan kari la xilkii iyo waajibaadkay bulshada u haysay.
Guddoomiyaha Iskaashatada Basaska qaybta waaweyn Mr. Xuseen Axmed Maxamuud ayaa tilmaamay in ay bulshada ku wacyigelinayaan sixir bararka shidaal ee soo kordhay iyo doorka xukuumadda oo meesha ka maqan.
“Waxaannu ka cabanaynaa shidaalkan qaalli garoobay oo dhibaatadiisu u gudbayso bulshada, waxaanannu u sheeganayna shacabka aannu u adeegno iyo xukuumaddaba in dalku maanta maraayo halkii ugu liidata, xukuumadduna ay maamuli kari la’dahay ganacsato shidaal aanay qaali ku soo qaadan oo Hargeysa yaala qiimahiisa kordhiso.
Xukuumadda waxaannu leenahay awooddii aad ku celisay maraakiibtii shidaalada qaldan siday, maxaad wax ugaga qaban la’dihiin kuwa Hargeysa dhexdiisa sixirka ku dalacaya danyarta.”
Mr. Xuseen Maxamuud waxa uu caddeeyey in ay go’aan ku gaadheen dhammaan gaadiidlayda basaslayaasha kala duwan ee Hargeysi in ay mudaharaad shaqo joojin ah sameeyaan, in ay lacagta ku kordhiyaan, haddii aan toddobaad gudihii shidaalka kacay wax lagaga qaban.
Guddoomiyaha basaslayaasha yar yar Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Cali ayaa isagu sheegay in Wasiirka Ganacsigu aannu garanayn xilka iyo waajibkaadkii ummadda ka saarnaa.
“Waxay maanta taagan tahay inaannu sixirkii kordhino, haddii aanay toddobaadka soo socda xukuumaddu tallaabo ka qaadin sixir-bararka shidaalka, arrintaasina ay saamayn doonto bulshada.
Waxa aannu go’aansanay in aan sidaas lagu sii jiri karin oo aanaan sidaas bulshada ugu shaqayn karin,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cali.
TogdheerNews..Hargaysa.




Recent Comments