Maamulihii Cusub ee Cashuuraha Beriga Burco oo xilkii La Wareegay.
Burco(Togdhnews)-Maamule Cusub oo loo soo magcacaabay Laanta Cashuuraha Beriga ee Wasaaradda maaliyadda gobolka Togdheer Khadar C/raxmaan ,ayaa si rasmi ah xilkii ugala wareegay maamulihii hore cashuuraha Beriga Burco C/risaaq Jaamac.
ay.
Agaasime ku xigeenka Waaxda cashuuraha bariga Wasaaradda maaliyadda Axmed Maxamed Maxamuud oo goobjoog ka ahaa xilwareejinta labadan masuul oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maamulaha cusub ay hortaal hawl badani islamarkaana looga baahan yahay dadaal badan oo uu kor ugu qaadayo dakhliga cashuuraha bariga, sidoo kale waxa uu mahadceliyay maamulihii hore cashuuraha bariga ee xilka wareejinayay.
maamulihii hore ee cashuuraha bariga Burco Cabdi-risaaq Jaamac ayaa Wasaaradda maaliyadu u wareejisay ,Waaxda cashuuraha gobolka Awdal ee Boorama.
TogdheerNews..Burco




Recent Comments