telesom
logo
logo
logo
|

Guurka oo Caawiya Caafimaad-qabka Dadka Waaweyn

In aadamuhu guursado amma xaas yeesho waa mid ka mid ah furayaasha in qofku caafimaad-qab ku noolaado isagoo waayeel ah, waayo waxay arrintaasi lammaanayaasha dejiyaan nafsadda iyo in jidhkoodu sii daayo hormoonnada cadhada iyo murugada baabi’iya. Sidaa waxa lagu ogaaday daraasad caafimaad oo ay soo saaareen khubaro u dhashay dalka Taiwan.

Cilmi-baadhistu waxay heshay in maadadda Telemores oo difaacda unugyada hiddesidayaasha ee la yidhaa Chromosome iyo DNA-da ay noqdaan qaar xaaladooda caafimaad fiicnaato marka qofku guursado, gaar ahaan dadka dhaqaalahoodu wanaagsan yahay, waxaanay arrintaasi keentaa in qofka xaaslayda ah ka badbaado inay ku dhacaan cudurrada kansarka iyo wadne-xannuunku

Daraasaddan oo lagu daabacay wargeyska Age and Ageing, waxa lagu baadhay 300 qof oo da’doodu u dhexayso 65 ilaa 74 jir, waxaannu sheegay ninka qoray cilmi-baadhista inay natiijada daraasadooda uga soo baxday in dadka aan xaaska lahayn ee waayeelka ah ku yar tahay maadadda Telomeres, halka lammaanayaasha xaasaska lehna ay maadadaasi ku badan tahay.

Sidoo kale, khubaradu waxay tilmaameen in Telomeres oo qofka ku yaraataa ay masuul ka noqoto in kansar ku dhaco, gaar ahaan bulshada u dhashay qaaradda Eshiya iyo dadka cadcad.

“Cilmi-baadhistu way sii wadi doontaa si ay daaha uga qaaddo qiimaha midowga qoysku leeyahay, gaar ahaan faa’iidooyinka labka iyo dheddiggu ka helaan. Guurku wuxuu hormood ka yahay caafimaad-wanaag, wuxuuna hoos u dhigaa dhaawacyada soo gaadhi lahaa, xannuunada iyo in ruuxu noqdo mid aan maskax ahaan u fayoobayn, noloshaaduna way dheeranaysaa haddaad oori amma say yeelato,” ayey dhakhaatiirta cilmi-baadhistan sameeyey yidhaahdeen.

Daraasaddan oo ay wadajir u soo saareen laba jaamacadood ku yaal dalka Taiwan oo la kala yidhaa  Shou University iyo Kaohsiung Medical University, waxa dadka ka qaybalay cilmi-baadhistan laga qaaday dhiig tijaabo ah iyo waliba macluumaad ku saabsan inay xaas leeyihiin iyo in kale, heerka dhaqaalahooda, caafimaadka maskaxdooda, jihdkooda iyo hab-nololeedkooda guud.

Ibraahim Khadar Siciid

Togdheernews.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)