Agaasimaha xidhiidhka dadweynaha ee wasaarada Madaxtooyada oo Iscasilay.
Hargeysa (Togdhnews)- Waxaa maanta is casilay agaasimaha xidhiidhka dadweynaha ee wasaarada madaxtooyada Somaliland Md Cismaan Cabdi Ismacil (Ina Awr Liqe).
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Agaasimahani xafiiskiisa ayuu ku cadeeyay iscasilaadan, hase yeeshee wax faah faahin ah kamuu bixin, waxaanu intaas ku daray inuu ka war sugaayo jawaabta uu madaxweynaha Somaliland ka bixiyo warqada is casilaada ah.
Masuuulkan is casilay ,waxa uu sheegay inuu dhawaan ka hadli doono sababta keenay is casilaadiisa, taas oo aan haatan si rasmiya loo ogayn.
Xiliga uu is casilay ayaa ku soo beegmay wakhti dabaylo siyaasadeed ka dhex hoganayaan xisbiga Kulmiye ee talada haya.
TogdheerNews..Hargaysa.




Recent Comments