Sababaha Keenay Hoos-u-dhac ku Yimi iibka Hubka iyo Xeeladda Shirkadaha ka Ganacsadaa Kaga Baxaan

Iibka hubka kala duwan ee adduunka laga soo saaro, ayaa markii u horreysay hoos-u-dhac weyn ku yimi tan iyo intii ka dambaysay badhtamihii sannadihii sagaashanaadkii, kadib caqabado ka horyimaaddeen ka ganacsigiisa.
Warbixin uu soo saaray mac-hadka caalamiga ah ee Nabadda iyo Cilmi-baadhista ee Stockholm (SIPRI), ayaa shaaca ka qaadday inuu hoos u dhacay suuqa 100 shirkadood oo aj kuwa ugu waaweyn ee ka shaqeeya ganacsiga noocyada hubka kala duwan, isla markaana dakhligoodu ku dhaadhacay heer aannu weligii gaadhin labaatankii sannadood ee la soo dhaafay.
Waxa kaloo warbixintu xustay in sababaha keenay hoos-u-dhaca weyn ee ku yimi iibka hubka ay ka mid yihiin dhaqaale-xumada caalamka ka taagan waqtigan oo dhalisay inay yaraadaan xarakaadka suuqyada kala-iibsiga hubka iyo qalabka ciidammadu isticmaalaan, dhammaadka dagaalkii Ciraaq ee Maraykanku horkacayey iyo weliba ciidammada Ameerikaanku kala baxayo dalka Afganistan oo qayb ka qaatay hoos-u-dhac dakhli lagu qiyaasay $410 bilyan oo doollar sannadkii la soo dhaafay oo keliya.
Arrimaha kale ee mac-hadku tilmaamay wax aka mid ah cunaqabaynta hubka ee dalal dhawr lagu soo rogay sida Libiya, kuwaas oo iyaguna yareeyey dhaqdhaqaaqii hubka, iyadoo taasina keentay in iibka hubku yaraado sannadihii ugu dambeeyey, isla markaana meel hoose sida sannadkii 2010-kii oo kale 1%, inkasta oo kor-u-kiciisa 2009-kii uu ahaa 8%.
Mac-hadka SIPRI oo baadhitaanno la xidhiidha xogta iibka hubka bilaabay sannadkii 1989-kii, waxa uu sheegay in baadhisahoodu ku koobnaayeen 74 shirkadaha hubka sameeya oo ku kala yaal dalalka Maraykanka iyo Yurub, kuwaas oo 90% iibiya hubka ay soo saaraan, balse meesha ka maqan yihiin shirkadaha Shiinaha oo aanay xogo sugan ka helin.
Dhinaca kale, warbixintu waxay sheegtay in shirkadaha ugu waaweyn adduunka ee sameeya hubku ay ballaadhinayaan ganacsigooda oo ay u beddelayaan hab cusub oo ah hababka lagaga hortago weerarada dhinaca internetka (Cybersecurity), kadib hoos-u-dhaca ku yimi iibkii hubka ay soo saari jireen.
Ibraahim Khadar Siciid
Togdheernews.com




Recent Comments