telesom
logo
logo
logo
|

Dalad Cusub oo Ay Ku Midoobeen Ururada Samafalka Reer Somaliland oo Lagaga Dhawaaqay Cariga UK.


Waxa ka dhacay galbeedka magaalada London habeenki sabtidi  16 feb munaasabad  balaadhan oo kulmisay  ururo reer Somaliland ah .oo ka kala yimi magaalooyinka Bristol, Sheffield iyo London guud ahan. Ujeedda shirka aya waxa sal-dhig u aha markasta inay ururadu yeeshan iskaashi iyo wada shaqeeyn midnimo leh. Si cududa iyo caqligaba loo mideeyow.kulanka oo aha mid  aad jawigiisu u wanaagsana oo wajiyada massuuliyiinta howl-wadeenada ay ka muuqatay farxad iyo niyad sami , aya waxa lagu dheeraday qaabka ugu haboon ee lo wada shaqeeyn karo,waxana lagu magacaabay dhamaan gudiddi howlaha ka wada shaqeeyn laheed  oo isugu jira xidhiidhka,farsamada iyo wacyi gelinta sido kale waxa laysku afgartay in munaasabad balaadhan logu wan-qali doono dallada si ay ururaddu (aims and objects) ugu so bandhigan bulshadda reer Somaliland .

Gaba gabadi waxa ururadda reer London uga mahad celiyeen  ururka IN REASON  oo ka yimi magaaldda sheffied gar ahan gudoomiye maryan Anthony sido kale waxa iyana sidda si leeg lo gu mahad naqay ururka RAJO ORG  oo ka yimi magaalada bristol gar ahan masuuliyinata  oo dhan muna ,saamiya iyo ugbad

waa kuwan liiska magacyadda ururadda goob jooga aha

1.somaliland global unity

2-somaliland European asossition diaspra

3-somaliland wada ?jir

4.somaliland against crime

5-somalilaand action group

6.rajo org (Bristol)

7.in-reason org (sheffield)

8.somaliland  major roads fundraising  association

9.west London Somaliland community

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)